Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Wasaaradda Sportiga oo tababar u furtay garsoorayaal dumar ah
    July 23, 2025
    Hay’addaha Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya iyo Switzerland oo Kala saxiixday heshiis cusub
    July 22, 2025
    Mas’uuliyiin sare oo ka tirsan Dowladda oo iska diiwaangeliyay Baydhabo
    July 22, 2025
    Howlwadeenno ka tirsan Xafiiska Hanti-dhowrka Guud ee Qaranka oo ka qeyb galay aqoon-isweydaarsi muhiim ah
    July 22, 2025
    Madaxweyne Laftagareen oo xariga ka jaray dhismayaal cusub oo si casri ah loo dhisay
    July 22, 2025
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Turkiga oo sheegay in Israel ay wiiqayso dadaallada dib u dhiska ee Suuriya
    July 18, 2025
    Hay’adda Qaxootiga Dunida oo walaac ka muujisay joojinta Giriigga ee codsiyada magangalyo doonka
    July 11, 2025
    Baadigoobka dad lagu la’yahay daadadkii Texas oo weli socda
    July 6, 2025
    Donald Trump oo riixaya xabbad-joojin cusub oo laga hirgaliyo Gaza
    July 4, 2025
    Turkiga oo qorsheynaya in la ballaariyo nidaamka hubka difaaca ee dallkiisa
    June 27, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Horumarka laga gaaray dagaalada ka dhanka ah Kooxaha Khwaarjta
    July 21, 2025
    Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)
    July 18, 2025
    Cabdulqaadir Ikrama oo Madaxiisa saran tahay $5 Milyan
    July 14, 2025
    Sidee buu iskaashiga BRICS u qaabeynayaa Mustaqbalka Afrika? (WARBIXIN)
    July 12, 2025
    Jacaylka Af Soomaaliga iyo Ardayda Shiinaha
    July 2, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Ra’iisul wasaare Xamse oo furay kulan ciyaareedka xidigaha halyeeyada Soomaaliya iyo Afrika.
    May 27, 2025
    Wasiirka duulista hawada oo qaabilay wafdi ka socda Qaramada Midoobay
    May 27, 2025
    Muqdisho oo berri martigelineysa ciyaaryahanno caalami ah
    May 26, 2025
    Muqdisho oo isu diyaarinaysa soo dhoweynta wafdi sare oo ka socda FIFA iyo CAF
    May 20, 2025
    Degmada Heliwaa oo 14 dhibcood kaga badisay degmada Laascaanood
    March 1, 2025
Reading: Taariikh Nololeedka Alle ha u naxariistee Xildhibaan Cabdullahi Sheekh Ismaaciil oo maanta Muqdisho ku geeriyooday “AKHRISO”
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Taariikh Nololeedka Alle ha u naxariistee Xildhibaan Cabdullahi Sheekh Ismaaciil oo maanta Muqdisho ku geeriyooday “AKHRISO”
GudahaWararka

Taariikh Nololeedka Alle ha u naxariistee Xildhibaan Cabdullahi Sheekh Ismaaciil oo maanta Muqdisho ku geeriyooday “AKHRISO”

By Aadan Sooyaal
Last updated: May 7, 2021
2 Min Read
Share

Muqdisho (SONNA)-Waxaa maanta magaaladda Muqdisho ku  geeriyooday Alle ha u naxariistee rug-caddaagii Dublamaasiyadda, Ra’iisul Wasaare ku xigeenkii hore ee Soomaaliya, Ambassador Xildhibaan Cabdullahi Sheekh Ismaaciil.

Cabullaahi Shiikh Ismaaciil ayaa in ku dhow 60 sanadood u shaqaynayey dalkiisa, waxaa la sheegay in 1967-dii uu siyaasadda si toos ah u soo galay isaga oo isu sharaxay Xildhibaan, iyaddoo xilligii Cigaal ahaa Raisal Wasaaraha, sanadihii todobaanaadkii iyo siddeetamaadkii uu Safiir ka noqday waddamo badan, weliba xilliyo adag.

Labaatan sano ayuu ahaa Xildhibaan qaran, wuxu soo noqday Ra’iisal Wasaare ku xiggeen, sidoo kale wuxu dhawr jeer noqday Wasiir, isaggoo xilligii Madaxweyne Cabdullaahi Yusuf uu noqday Wasiirka Arimaha Dibadda, iyo sidoo kale xilligii Madaxweyne Xassan Sheekh oo uu  noqday Wasiirka Gaadiidka.

Amb. Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil wuxuu ahaa cabqari, karti iyo aqoon badan, wuxuu kamid ahaa danjireyaasha isku turjuma luuqadaha adduunka gaar ahaan Carabiga, Ingiriiska, Faransiiska, Talyaaniga iyo Soomaaliga oo uu si isku mid ah ugu hadli jirey.

Waan jeclaa sheekadiisa iyo la joogiddiisa, Wuxu ahaa encyclopedie soconaya, Wuxu Safiir ka ahaa Yemen xilligii dagaalkii 1977, waxuunu ka qayb galay shirkii taariikhiga ahaa ee Madaxweyne Maxamed Siyaad, Mengistu Haile Mariam iyo Fidel Castro ee Cadan.

Ilaahey ha u naxariisto Danjire Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil, Waxaan tacsi u dirayaa qoyskiisii, qaraabadiisii, asxaabtiisii, Golaha Shacabka ee uu muddada dheer ka tirsanaa iyo guud ahaan Qaranka Soomaaliyeed ee noloshiisa oo dhan u hibeeyey.

W/Q Wasiirka Warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska XFS Mudane Cismaan Abuukar Dubbe 

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka

WararkaWargayskaWaxbarashada
March 3, 2025

Wasaaradda Sportiga oo tababar u furtay garsoorayaal dumar ah

Muqdisho-(SONNA)-Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga Xil. Dahabo Susow Mohamud ayaa maanta si rasmi ah…

July 23, 2025

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Wasiir dowlaha caafimaadka oo qaabishay madaxa hay’adda ACF

Muqdisho (SONNA) Wasiiru dowlaha wasaaradda Caafimaadka dowladda FS Dr. Maryam Maxamed Xuseen ayaa kulan muhiim ah la qaatay madaxa hay'adda…

GudahaWararka
August 28, 2024

Xildhibaano ka tirsan labada Aqal ee BFS oo kormeer dhiirigalin ah ku tagay furimaha dagaalka ee Galmudug

Xildhibaano ka kala tirsan labada Aqal ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya iyo guddoomiyaha gobolka Galgaduud ayaa furimaha dagaalka, gaar ahaan deegaanka…

Gudaha
September 15, 2023

Maalinta caalamiga ah ee horumarinta isboortiga iyo Nabadda oo Muqdisho laga xusay

Muqdisho,(SONNA):- Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga JFS, Guddiga Olimbikada Qaranka Soomaaliyeed iyo Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta ayaa manata ku xusay…

GudahaWararka
April 6, 2025

Xuska 20-ka Disembar ee Maalinta Ciidanka Boliiska (warbixin)

Muqdisho(SONNA):- 20-ka disember ,waa astaan ka mid ah maalmaha qaran ee loo dabbaaldego xusuusta dhaxalgalka ah ee umadda,gaar ahaan aasaaska…

GudahaMaqaallada
January 7, 2023

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023