Muqdisho (SONNA)-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cismaan Abuukar Dubbe oo shacabka si toos ah ugala hadlayay Warbaahunta Qaranka ayaa uga digay Dowladaha Jabuuti iyo Kenya inay farageliyaan goโaamada ka soo baxaya Midowga Afrika.
โDowladda Soomaaliya iyo Midowga Afrika waxa ay horaanta todobaadkan ka wada hadleen sidii Midowga Afrika uu kaalin wax ku ool ah uga qaadan lahaa, sidii Soomaaliya ay uga qabsoomi lahayd doorasho qof iyo cod ah oo si xor iyo xalaal ah oo ay u dhanyihiin dhamaan bulshadaโ ayuu yiri Wasiir Dubbe.
Wasiirka ayaa xusay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka digeyso faragalin shisheeye oo lagu sameeyo arrimaha gudaha dalka iyo in dowlado Soomaaliya xurguf kala dhexeyso ay guddiga amniga iyo Nabadda Midowga Afrika u adeegsadaan ku xadgudubka gobonimada iyo madax banaanida JFS.
โUrrurada aan xubinta ka nahay, Diblomaasiyiinta Shiyeeshe iyo Saaxiibada kale ee diblomaasiyadda Soomaaliya kala dhexeyso , waxaan si cad ugu sheegeynaa in Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya uu yahay hayโadda ugu sarreyso ee sharci dejinta dalka, xeerarka ka soo baxana ay yihin goโaanka ugu dambeeya ee Qeenuuniga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xukuumaddana ay tahay hayโadda fulisa xeerarkaas Dastuuriga ahโ ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta.