Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Wasiirka Amniga Gudaha iyo EUCAP oo ka wadahadlay xoojinta iskaashiga iyo taageerada Hay’adaha Amniga Soomaaliya
    June 2, 2026
    DFS oo ka qeyb gashay kulanka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Afrika ay la yeesheen Madaxweynaha K/Koonfureed
    June 2, 2026
    Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo Daahfurtay Ereybixinta Amniga Saaybarka ee Af-Soomaaliga
    June 2, 2026
    Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo la kulmay Wasiirka Qorsheynta Boqortooyada Eswatini
    June 1, 2026
    Guddoomiyaha Hay’adda SoDMa oo la kulmay wafdi ka socda Dowladda Sweden
    June 1, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Shir looga hadlayay xoojinta amniga oo ka qabsoomay Baydhabo
    May 30, 2026
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Kala guurka Togan: Waa Faallo uu qoray Wasiir Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala
    May 31, 2026
    Doorashooyinka Isku Sidkan oo ka qabsoomay Koonfur Galbeed (WARBIXIN)
    May 11, 2026
    “Koonfur Galbeed, Albaabka Iftiinka Dimuqraadiyadda“ Wasiir Al-Cadaala
    April 29, 2026
    12-ka April Xuska Maalinta Qaran ee Ciidanka Xoogga Dalka
    April 12, 2026
    Markabka qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo Muqdisho laga sagootiyay
    April 11, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya oo ka qayb galaya Shirweynaha 76-aad ee FIFA Congress
    April 30, 2026
    Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda cagta oo dalka Mozambique u amba-baxay
    March 21, 2026
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
Reading: Madaxweyne Farmaajo oo ku bogaadiyay Ciidanka Xoogga sida ay u hanteen Hogaaminta Hawlgallada amniga ee dalka
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Madaxweyne Farmaajo oo ku bogaadiyay Ciidanka Xoogga sida ay u hanteen Hogaaminta Hawlgallada amniga ee dalka
GudahaWararka

Madaxweyne Farmaajo oo ku bogaadiyay Ciidanka Xoogga sida ay u hanteen Hogaaminta Hawlgallada amniga ee dalka

By Mohamed Abdukadir Socdaal
Last updated: April 18, 2021
2 Min Read
Share

SONNA (MUQDISHO) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa war-bixin wadajir ah ka dhageystay Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka iyo Taliyaha Guud ee Ciidanka AMISOM.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay qiimaha ay leedahay iyadoo aynu ku jirno Maamuuska Sannad-guurada 61-aad ee ka soo wareegtay aas-aaskii CXDS in geesiyaasheenna Ciidammada Qalabka Sida ay dib u hanteen hoggaaminta howl-gallada amni ee Dalka, arrinkaas oo ka markhaati kacaya miro-dhalka qorsheyaasha Dowladda ee dib u dhiska Ciidammada Qalabka Sida  iyo sida ay maanta ugu diyaarsan yihiin difaaca iyo xoreynta Dalka.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Odawaa Yuusuf Raage ayaa ka war-bixiyey tayada iyo awoodda ay ugu diyaarsanyihiin in Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed uu hoggaamiyo hawlgallada wada-jirka ah ee lagu la dagaallamayo Cadawga Argaggixisada ah iyo cid kasta oo khalkhal galisa nabadda iyo xasilloonida Dalka.

Sidoo kale, Taliyaha Guud ee Ciidanka AMISOM Lieutenant General Diomede Ndegeya ayaa Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ku ammaanay sida ay u wajaheen ugana adkaadeen isku daygii fashilmay ee ay Argaggixisadu dhawaan ku weerartay deegaannada Bariire iyo Awdheegle, taas oo muujisay tayada iyo diyaargarowga buuxa ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa tilmaamay sida ay shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed  ugu kalsoon yihiin kartida iyo awoodda geesiyaasha Soomaaliyeed ee CXDS, isaga oo ku bogaadiyey sida ay naftooda ugu hurayaan difaaca dadka iyo dalka Soomaaliyeed. Sidoo kale, waxaa uu Madaxweynuhu dhiirri-geliyey walaalaha AMISOM dadaalka naf-hurnimada leh ee ay ku bixiyeen nabadeynta iyo dowladnimada Soomaaliya, isaga oo hoosta ka xarriiqay muhiimadda ay leedahay xiriirka iyo wada shaqaynta Labada Ciidan.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Wasiirka Amniga Gudaha iyo EUCAP oo ka wadahadlay xoojinta iskaashiga iyo taageerada Hay’adaha Amniga Soomaaliya

Muqdisho, Soomaaliya – 2 Juun 2026: Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Gen.…

June 2, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Xubno ka socday Xukuumadda Galmudug iyo Safaardda Sweden oo kormeeray suuqa xoolaha Gaalkacyo iyo goobo kale

Wasiirka Xanaanada Xoolaha Dowlad Goboleedka Galmudug C/Laahi C/raxmaan Tootoole iyo wafdi ka socday Safaardda Sweden ayaa booqday suuqa xoolaha iyo…

Gudaha
February 5, 2026

Galmudug oo Ceel Biyood cusub ka hirgeliyay degaanka Dhidhin+Sawirro

Gaalkacyo-(SONNA)-Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Biyah ee maamul goboleedka Galmudug, Maxamuud Cabdi Kaarshe ayaa xarigga ka jaray Ceel biyood laga hirgeliyay…

GudahaWararka
September 30, 2021

Ciidamada Xoogga Dalka ayaa howlgalo culus Ka sameeyay Deegaano dhaca Shabellaha hoose

Ciidamada Xoogga Dalka gaar ahaan Ururka 203 Guutada 20aad Qeybta 1aad Kumaan Dooska GorGor ayaa howlgalo Amni Xaqiijin iyo sifeyn…

Wararka
March 30, 2026

𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐨𝐨 𝐚𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐲𝐞𝐲 𝐡𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐥𝐚𝐠𝐮 𝐝𝐡𝐢𝐬𝐚𝐲 𝐈𝐆𝐀𝐃

Muqdisho(SONNA):-Maar Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo yeeshay kulankoodii caadiga ahaa, ayaa ansixiyey heshiiska lagu dhisay urur goboleedka IGAD,…

GudahaWararka
March 6, 2025

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023