Muqdisho(SONNA):-Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa Maanta Xarunta Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar kulan kula qaatay Xubno ka socday Midowga Dugsiyada Waxbarashada Gobolka Banaadir.
Kulankaas ayaa loga hadalay sara u qaadida tayada Waxbarasho ee dalka iyo sidii maamulka Gobalka Banadir iyo Midowga Dugsiyada ay u wadashaqeyn lahayeen iyadoo mudnaanta la siinayo arimaha la xariiro dar-dargalinta Waxabarshada Guud ahaan Dalka