Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Ciidanka Xoogga oo howlgallo ka fuliyay koonfurta Sh/Dhexe
    March 12, 2026
    Taliyaha Ciidanka Xoogga oo la dardaarmay ciidan loo diyaariyay tababar dhanka dibadda ah
    March 12, 2026
    HOGGAAMIYAASHA SOOMAALIYA, JABUUTI IYO ITOOBIYA OO KULAN SADDDEX-GEESOOD AH KU YEESHAY JABUUTI
    March 12, 2026
    Wasiirka Qoyska XFS oo ka qeybgashay shir heer wasiir ah oo ka dhacay New York
    March 12, 2026
    Wanlaweyn oo ku soo baxday Tartanka Ramadaan iyo jadwalka wareegga 4-aad oo la sameeyay
    March 12, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
    February 16, 2026
    Waa Mas’uuliyad Qaran In La Badbaadiyo 4.6 Milyan oo Soomaali Ah (warbixin)
    February 6, 2026
    Kumoow ahaa Horjooge Cabdullaahi Wadaad?
    January 31, 2026
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: War saxaafadeed kasoo baxay DFS oo ku aadan beesha caalamka
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > War saxaafadeed kasoo baxay DFS oo ku aadan beesha caalamka
Gudaha

War saxaafadeed kasoo baxay DFS oo ku aadan beesha caalamka

By Agaasimaha SONNA
Last updated: April 14, 2021
3 Min Read
Share

Muqdisho,(SONNA)-Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya waxay si aad ah uga xumaatay inay aragto hadallada bulshada ee qaar ka mid ah saaxiibbadeeda caalamiga ah iyo saaxiibbada muddada dheer ay ku marin habaabinayaan sharciyada ay soo saaraan hay’adaha dowladda ee lagu ilaalinayo xuquuqda dimoqraadiyadda ee shacabka ee ay ku dooranayaan hoggaankooda.

Dadka Soomaaliyeed waxay u oo manaayeen fursad ay ku gutaan xuquuqdooda dimoqraadiyadeed oo ay ugu adeegsadaan awoodda codkooda doorashada hoggaamiyeyaashooda. In kasta oo maamulkani dadaal badan ku bixiyay himiladan, Sebtember 17th, 2020, hoggaamiyeyaasha siyaasadeed ee Soomaaliya waxay isku raaceen in la joojiyo hannaankaas oo la qabto doorasho dadban taa beddelkeeda.

Sida ay dhammaantood goobjoog u ahaayeen sagaalkii bilood ee la soo dhaafay, labo ka mid ah toddobadii saxiixayaasha heshiiska 17 Sebtember 2020, oo kala ah hoggaamiyeyaasha maamulada Jubbaland iyo Puntland, iyagoo ku dhaqmaya cadaadis ba’an oo kaga imanaya saameynta shisheeye, waxay isku dayeen inay hakiyaan oo afduubtaan howsha iyagoo abuuraya dalab aan dhammaad lahayn iyo iyagoo ku baaqaya in la burburiyo hay’adaha dowliga ah ee qaranka.

Khataraha ka dhalan kara luminta horumarka la sameeyay ilaa iyo hadda waxay ku kalliftay Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka inuu ka doodo oo u codeeyo 12-ka Abriil 2021-ka si loo ilaaliyo hay’adaha dalka. Go’aankan waxaa si ballaaran u taageeray daneeyayaasha muhiimka ah ee siyaasadda dalka, oo ay ku jiraan Dowladda Federaalka, Maamulka Gobolka Banaadir iyo saddex ka mid ah shanta dowlad goboleed ee xubnaha ka ah Federaalka, kuwaas oo kala ah Hirshabeele, Galmudug iyo Dowlad-goboleedka Koonfur-galbeed.

Sida ku cad qodobka 47aad ee dastuurka KMG ah ee Soomaaliya, Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya wuxuu awood u leeyahay inuu soo saaro sharciyo gaar ah oo qeexaya xeerarka khuseeya doorashooyinka heer federaal.

Sidaa darteed, sharciga uu soo ansixiyay Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka 12-kii Abriil 2021 oo dhigaya in hal qof, hal-cod doorasho lagu hirgeliyo dalka ayaa meesha ka saaraya qorshe kasta oo horay loo gaaray, oo uu ku jiro heshiiskii 17-kii Sebtember 2020. Asal ahaan, sharcigani wuxuu dalka siinayaa fursad ay ku fuliyaan mid ka mid ah xulashooyinka ay soo jeediyeen Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka (NIEC), oo horay u soo saaray dhowr fursadood oo la fulin karo, oo ay ku jiraan khariidad lagu dhameystirayo doorashooyinka 13 bilood gudahood.

In kasta oo aan ka mahadcelinno walaacyada saaxiibbadeen iyo saaxiibbadeenna caalamiga ah ee ku aaddan xasilloonida iyo nabadgelyada Soomaaliya, haddana waa wax laga xumaado in markhaati laga noqdo u ololeynta mabaadi’da dimoqraadiyadda oo ka gaabinaysa taageeridda himilooyinka dadka Soomaaliyeed ee ah in ay ku dhaqmaan xuquuqdooda dimoqraadiyadda.

Hadalada xanafta leh ee ay ku raran yihiin hanjabaadaha, ee wax u dhimaya madaxbanaanida siyaasadeed iyo xuquuqda madaxbanaan ee hay’adaha qaranka, waxay kaliya u adeegi doonaan dhiiragelinta ururada argagixisada iyo kuwa nabad diidka ah ee Soomaaliya.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Ciidanka Xoogga oo howlgallo ka fuliyay koonfurta Sh/Dhexe

Ciidanka Xoogga Dalka gaar ahaan Guutada 17aad ee Qeybta 1aad ee Kumaanooska Gorgor ayaa howlgallo…

March 12, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Shirweynaha 15aad ee Daraasaadka Soomaaliya oo maalintiisa 3-aad galay

Muqdisho(SONNA):-Shirweynaha Meertada 15-aad ee Ururka Caalamiga ah ee Daraasaadka Soomaaliyeed ayaa maalintiisa 3-aad galay, kaas oo lagu soo bandhigay warbixinno…

GudahaWararka
December 17, 2024

Culumada Hiiraan oo kulan dhiirigalin ah la qaatay ciidamada gobolkaasi

Sheekh Maxamed Xasan Caadle iyo Sheekh Ibraahim Xasan Cismaan oo la hadlay qeybaha ciidamada ee ka howlgala gobolka Hiiraan ayaa…

Gudaha
September 13, 2024

Wabiga Shabeelle oo ku fatahay qeybo kamid ah xaafadaha degmada Buuloburde ee gobolka Hiiraan

Hiiraan(SONNA)-Wararka naga soo gaaraya degmada Buuloburde ee Gobolka Hiiraan ayaa waxaa ay sheegayaan in xaafadaha qaar ee degmadaasi oo ku…

GudahaWararka
November 27, 2023

Nairobi oo lagu soo gaba-gabeeyay shir u dhexeeyay Hey’adaha Maaliyadda Soomaaliya iyo Hey’adda Lacagta Adduunka

𝑵𝒂𝒊𝒓𝒐𝒃𝒊(SONNA(:-Waxaa maanta Magaalada Nairobi lagu soo gaba-gabeeyay shir muhiim ah oo u dhexeeyay Hey’adaha Maaliyadda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Hey’adda…

GudahaWararka
May 15, 2025

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023