Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo xarigga ka jaray Warshad soo saarta Biraha Shubka
    November 8, 2025
    RW Ku-xigeenka “Maalgelinta cimiladu ma aha sadaqo, ee waa iskaashi loogu talagalay isbeddel iyo xalal-waara.”
    November 8, 2025
    Golaha Shacabka oo ansixiyay hindise sharciyeedka hannaanka lacag bixinta Qaranka
    November 8, 2025
    Wasiirka Arrimaha Dibadda oo WFP kala hadlay Isuduwidda Howlaha Gargaarka
    November 8, 2025
    Wasiirka Warfaafinta XFS oo ka qaybgalay shirka Wasiirrada dalxiiska Qaaradda Afrika
    November 8, 2025
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Turkiye oo soo dhoweysay qaadidda cunaqabateyntii saarneyd maamulka Suuriya
    November 7, 2025
    Shacabka Magaalada New York oo doortay duqii ugu horeeyay oo muslim ah
    November 5, 2025
    Xamaas oo heshay dammaanad-qaad iyo Israel oo ogolaatay xabbad joojinta Gaza
    October 10, 2025
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgaly furitaanka meertada 80-aad ee golaha guud ee Qaramada Midoobay
    September 23, 2025
    Illaa kun ruux oo ku dhintay dhul go’ ay sababeen roobab ka da’ay Sudan
    September 2, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Xuska Maalinta Caalamiga ah ee Caasimadaha (31-ka Oct)
    October 31, 2025
    Dib-u-kabasho iyo tubta horumarka
    October 21, 2025
    Tiigsigii wuu taabbo-galayaa
    October 20, 2025
    Xuska 14-ka Oktoobar ee Qaraxii Soobbe
    October 14, 2025
    Xuska 12-ka Oktoobar ee Maalinta Calanka Soomaaliya
    October 12, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
    Safaaradda Soomaaliya ee kenya oo Hamblayo u dirtay Kooxda Dekadaha oo guul usoo hooyay Dalkeena
    September 28, 2025
    Dekedaha oo muujisay awood, kadib markii ay guul ka gaartay Al-Zamala
    September 21, 2025
    Kooxda Dekedaha soomaaliya oo Nairobi kula ciyaaraysa Al Zamala Sports Club
    September 20, 2025
    Maareeyaha Dekadda Muqdisho oo Sagootin u Sameeyay Kooxda Dekedaha
    September 15, 2025
Reading: Xoola dhaqatada G.Galgaduud oo jiidaalku noloshooda si adag u saameeyey + Sawirro
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Xoola dhaqatada G.Galgaduud oo jiidaalku noloshooda si adag u saameeyey + Sawirro
GudahaWararka

Xoola dhaqatada G.Galgaduud oo jiidaalku noloshooda si adag u saameeyey + Sawirro

By Aadan Sooyaal
Last updated: April 14, 2021
2 Min Read
Share

Cadaado (SONNA)- Ayaxa oo dhawr mar la tagay daaqii xoolaha iyo jiidaalka oo daba dheeraaday ayaa nolosha reer miyiga xilligan ka dhigtay mid adag.

Cabdiwali Maxamed samatar oo ka mid ah dadka Geela dhaqda ee deegaanka Kalabayar ee woqooyiga Cadaado ayaa SONNA u sheegay inay Geela biyo iyo raashin ku siiyaan guryaha, maadaama dhirta uusan ka helin daaq ku filan, taas oo tusaale ka bixinaysa heerka ay gaar-siisantahay abaartu.

“Waxaan geela siinaa Galey oo Kiishkii yahay $26, waa nagu adkaatay, waqtigii oo nagu dheeraaday iyo roobkii oo soo daahay ayaa na haysta” ayuu yiri Cabdiwali.

Reer miyiga qaar ayaa waxaa jiidaalka dabada dheeraaday u wehliya cuduro xoolaha uga dhacay, taas oo yaraysay nacfigii xoolaha cad iyo caanaba.

Dr. Nuur Xuseen Ducaale ayaa SONNA u sheegay in cudurada xoolaha ee xilligan ka jira gobolka Galgaduud ay ka mid yihiin Sambabka Ariga ku dhaca, Gooryaanada iyo cudurada ka dhasha dhamiijada, Geelana uu qabo Dhugato.

Xooluhu waa isha kali ah ee ay reer guuraagu dhaqaale ahaan ku tiirsanyihiin, xiligana waxaa dhif iyo naadir noqday neef cayilan oo ay suuqa wax ka gayn karaan, waxaana suuqa xoolaha lagu iibiyo aad ugu yaraaday xoolaha Miyiga, taas badalkeena waxaa suuqa lagu iibinayaa Xoolaha magaalada lagu xanaaneeyo, sida uu SONNA u sheegay Cali Cismaan oo ka mid ah dalaaleyda Suuqa.

Dr Nuur ayaa xoolo dhaqatada oo aan helin dawayn ku filan xoolaha u jeediyey talooyin caafimaad oo wax ka taraya cudurada xoolaha haya, taas oo ay ka mid tahay inay aasaan xoolaha baqtiyey, kuwa jirana ay ka soocaan xoolaha inta ay ka raysanayaan, sidoo kalena ay ka faa’iideystaan tallaalka xoolaha xilligan gobolka ka socda.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka

WararkaWargayskaWaxbarashada
March 3, 2025

Madaxweyne Xasan Sheekh oo xarigga ka jaray Warshad soo saarta Biraha Shubka

Muqdisho,(SONNA):- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka duulaya ahmiyadda ay leedahay…

November 8, 2025

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Ra’iisul Wasaare Khayre oo qaabbilay Ergayga gaarka ee QM u qaabbilsan Carruurta iyo xasaradaha Hubeysan+Sawirro

Muqdisho-(SONNA)-Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya  mudane; Xasan Cali Kheyre, ayaa Maanta Xafiiskiisa ku qaabbilay Ergayga gaarka ah ee xogyahaya guud ee Qaramada midoobay,…

Wararka
October 28, 2019

Shirkii Guddiga farsamada ee Baydhabo oo laga soo saaray War-saxaafadeed

Baydhabo-(SONNA)-Waxaa xalay magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay lagu soo geba-gabeeyay shirkii u dhaxeeyay guddiyadii ka kala socday dowladda Federaalka,…

GudahaWararka
February 17, 2021

Safiirka Soomaaliya ee Qatar oo kulan la qaatay Saraakiil Tababar u jooga dalkaasi

Safiirka Dowladda Federalka Soomaaliya  u jooga Dalka Qatar Danjire  Cabdirisaaq Faarax Cali (Taano) ayaa kulan la qaatay Saraakiil ka tirsan…

Gudaha
April 5, 2021

Wasiirka difaaca Soomaaliya oo Turkiga uga qaybgalay bandhig qalabka Militariga

Istanbul (SONNA): Wasiirka Wasaaradda Difaaca Soomaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur Jaaamac iyo Kaaliyaha Taliska Guud ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaliyeed…

GudahaWararka
October 23, 2024

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023