Raiisulwasaaraha Xukuumadda Somalia, Maxamed Xuseen Rooble ayaa cambaareeyay Weerarkii Argagixisanimo ee lagu laayay Shacabka Degmadda Shingaani.
“Waan cambaareynayaa falka argagixisada Alshabaab ku laayeen dhallinyaro ku fiidsaneysay Muqdisho. Waa bahalnimo kale oo muujineysa sida ay argagixisada uga go’an tahay ciribtirka bulshada iyo mustaqbalka dalka. Allaha u naxariisto intii dhimatay dhaawacyada Allaha bogsiiyo, eheladana Samir iyo Iimaan.”