Niger.(SONNA):- Dowladda Niger ayaa sheegtay in la xiray saraakiil isku dayday subaxnimadii maanta inay sameeyaan afgenbi military.
Dowladda ayaa intaas ku dartay in xaaladda dalku kusoo laabatay si caadi ah kadib markii la fashiliyay afgenbigaas.
Wararka ka imaanaya dalka Niger ayaa sheegaya in koox ka tirsan ciidamada dalkaas ay saakay isku dayeen afgenbi laakin ay awoodi waayeen inay galaan madaxtooyada dalkaas kadib markii ay iska caabbin xooggan kala kulmeen ilaalaada madaxtooyada.
Is rasaaseynta labada dhinac ayaa socotay muddo ku dhaw 30 daqiiqo, sida ay sheegtay wakalaadadda wararka ee Reuters.
Isku daygaan afgenbi ayaa kusoo aadaya iyadoo madaxweynaha la doortay ee Maxamed Bazoum isku diyaarinaayao caleema saarka madaxweynaha dalkaas.
Afgenbigii ugu danbeeyay wuxuu dalka Niger ka dhacay Febraayo 2010, waxaana xilka looga tuuray madaxweyne Mamadou Tanga.