Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Soomaaliya iyo Singapore oo ka wadahadlay Arrimaha Soomaaliya iyo qodobbo kale
    January 9, 2026
    Ciidanka Xoogga iyo Saaxiibada Caalamka oo Jubbada Dhexe  ku dilay maleeeshiyaad khawaarij ah
    January 9, 2026
    Bayaan ku saabsan booqashada sharci darada ah ee Israel ay ku tageen Gobolka Woqooyi Galbeed ee JFS
    January 9, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo caawa khudbad u jeediyey Shacabka Soomaaliyeed
    January 8, 2026
    Wasiirka Arrimaha Dibedda Masar iyo Xoghayaha guud ee QM oo qadka Telefonka kaga wada hadlay faragelinta Israa’iil kula kacday Soomaaliya
    January 8, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho
    January 6, 2026
    Madaxweyne Erdogan oo helay abaalmarin khuseysa xagga bini’aadanimada
    November 27, 2025
    Qadar oo qabaneysa shirka caalamiga ah ee hal-abuurka waxbarashada
    November 21, 2025
    Qaramada Midoobay oo cambaareysay weerarkii Israel ee masjid ku yaalla Daanta Galbeed
    November 14, 2025
    Turkiye oo soo dhoweysay qaadidda cunaqabateyntii saarneyd maamulka Suuriya
    November 7, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    SONNA: 62 Sanno oo Adeeg Qaran iyo Codka Soomaaliya ee Caalamka
    January 7, 2026
    Markii ay Soomaaliya tallaabo horay u qaadaba maxaa loo Qulbaa? (WARBIXIN)
    January 3, 2026
    Aqoonsiga qeybo ka mid ah dal waxa uu khatar gelinayaa nabadda iyo amniga Caalamka
    December 29, 2025
    Xuska Maalinta Ciidanka Boliiska ee 20-ka Disembar  
    December 20, 2025
    Warbixin: Muhiimadda Weyn ee Hannaanka Dawladnimo ee Hanaqaaday
    December 9, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Taariikhda bare sare AUN Axmed Muumin Warfaa.
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Taariikhda bare sare AUN Axmed Muumin Warfaa.
GudahaMaqaallada

Taariikhda bare sare AUN Axmed Muumin Warfaa.

By Mohamed Abdukadir Socdaal
Last updated: March 28, 2021
5 Min Read
Share

Eebbe weyne ha janneeyo, waxaa 24 Maarso 2021, Muqdisho ku geeriyooday Bare sare. Axmed Muumin Warfaa, oo ka mid ahaa aqoon-maalka iyo indheer-garadka Soomaalida, kuwooda wax laga weydiiyo kasmada geyiga iyo geedaha.

WAAYIHIISII WAXBARASHO

Wuxuu ku dhashay magaalada Buulabarde 1948-dii, iskuul hoose iyo dugsi qur’aankana wuxuu ku qaatay isla Buulabarde. Dugsi dhexe wuxuu ka galay degaanka Jannaale, waxbarashadiisa dugsiga sare waxey ahayd Dugsigii Farsamada ee Xamar.

Jaamacadda heerka 1-aad (Bachelor Degree) wuxuu ka mid ahaa 21 arday oo lagu billaabay kulliyadda beeraha, wuxuuna ka mid ahaa guud ahaan ardaydii Soomaaliyeed ee lagu iba-furay Jaamacaddii Ummadda, shahaadada 2-aad ee heer aqooneedda sare (masters degree) wuxuu ku sammeeyey dalka Talyaaniga, halka tan ugu dambeeysa ee PhD-dana uu ka kasbaday jaamacadda Uppsala ee dalka Sweden.

WAAYIHIISII WAXQABAD

Wuxuu macalinnimo ka billaabay kulliyaddii beeraha ee Jaamacaddii Ummadda, bartamihii todobaatannada ilaa 1991-dii, oo aheyd ku kala dareeriddii dowladnimada dalka.

Bara-sare inuu ahaa kasa-kow, wuxuu ku biiray liiska Seynisyahannada caalamka dabayaaqadii 80-aadka ee qarnigii na dhaafay, kadib markii uu daah-furay nooc dhirta ka mid ah oo aan dunidu war ka heyn isaga hortiis.

Nooc dhireedkaan uu daah-furay waxaa lagu magacaabaa “Cyclamen somalense” af-cilmiyeedka Latin-ka, af Soomaalina “Dhegweyn” ayaa la dhahaa, waa ceyn ka mida geedgaabka geyigeenna waxaana laga helaa badiyaaba waqooyi bari Soomaaliya.

Waxaa ku wehliyey hal-abuur-aqooneedkan cusub nin u dhashay dalka Sweden oo ay jaal ahaayeen looguna yeero Mats Thulin.

Eebbe ha u raxmadee, marxuunku wuxuu ku talax-tegay cilmiga ab-tiriska iyo abla-ableynta dhirta (classification of plants) waana tan u horseeday inuu gaaro heer Seynisyahan (Scientist), oo ah mansab-cilmiyeed la gaaro tan ugu sarreeyso adduunkaan casriga ah ee maanta eynu joogno.

Hadda ka hor, mar baa la ii sheegay inuu yahay Seynisyankii ugu horreeyey ee Soomaalida, mase hubo anigu qof ahaan arrintaas sax ahaanshaheeda, mana ugu dhiiran karo sida aan u ogahay Dr. Cali Mire inuu ahaa Alle ha u naxariista , qofkii ugu horreeyey Soomaalida ee muteeystay shahaadada PhD-da cilmi-casriga maanta jira, ama sida uu u noqday Dr. Cilmi Ducaale oo weli nooli dhaqtarkii ugu horreeyey Soomaalida ee jaamacad ka soo qalin-jebiya.

Balse, waxaan ku dhiiran karaa oo cidina ku qabsan karin inuu ahaa marxuunku aabbihii cilmiga dhirta iyo deegaanka ee Soomaalida, sida ey ii xaqiijiyeen aqoon-maal doora oo ey isku xeyndaab-xirfadeed ahaayeen, badidoodna uu bare u ahaa.

Bara-sare Axmed Muumin Warfaa, burburkii dalka kadib wuxuu ka mid ahaa hal-doorkii day-dayga u galay dowladnimada dalka, wuxuu ka mid ahaa mufakiriintii maskaxdooda martida iyo magantaba loo ahaa, marka la eego masiibadii uu dalkiisu maquurtay, balse isaga iyo jaalkiisba wey ku maan-dawaqmeen, markii ey garan waayeen cid garasho iyo garaad u saaxiib ah oo la garata gunti-isku-giijintii ey wadeen.

Dadaalladii uu galay professor Warfaa qaran-jabkii dabadeed waxaa ka mid ahaa, ka shaqeynta dib u heshiisiin iyo baadi-doon dowladnimo, wuxuu ka mid ahaa abaabulayaashii unkay shirkii ugu horreeyey ee lagu wada-hadalsiiyo Soomaalidii Jamhuuriyaddu ka jabtay, isagoo markaa ahaa la-taliya-sare oo Qaramada Midoobay ugu qeybsanaa arrimaha Soomaaliya.

Wuxuu ahaa qof ku fogaaday fanni-aqooneedkaan aan kor ku soo faalleynay, had iyo goorna ku fooggan u iftiiminta bulshada faa’iidada dhirtu u leedahay dadkiisa iyo deegaankiisaba, waxaanad ku garataa arrintaas, markuu kuu xog-waramaayo iyo weliba wareysiyadiisa war-baahinta.

Waxaan tusaale nool u soo qaadan karnaa wareysi uu bixiyay bishii Luulyo 2018-kii mar uu la hadlay VOA-da oo wax laga weydiiyey xaalufinta dhirta iyo dhuxul ka sameeynta, ayuu sidaan ku war-celiyey “waan iska daayey gobollada qaarkood inaan tago, maxaa-yeelay waxey jarayaan dhirtii isla markaana ay u iib-geeyaan dalal shisheeye, sidaa darteed ma daawan karo xanuunkeeda!.

GUNAANAD

Marka laga yimaado aqoon-dhireedda uu ku caanbaxay, waxaa kale uu ahaa nin diinta iyo dhaqan-bulsheedkiisaba wax badan ka og.

Haddii uu kaala hadlaayo cilmiga diinta Islaanka waxa aad ogaaneysaa inuu ahaa wadaad waxbadan u soo xereeystay kasmo-diineedda Islaamka, sidoo kale haddana markuu kaaga war-sheekoonaayo sooyaal-dhaqameedka Soomaalida waxaad isweydiin war heedhe, ma shahaado sare ayuu ku sitaa dhaqan-aqoonnimada?

Isku soo duuboo boos bannaanaaday dheh, aanse la ogeyn bedel-buuxintiisu saad iyo si’ ey noqon.

Ugu dambeeyn waxaan uga tacsiyeeynayaa ummadda Soomaaliyeed aqoonyahaankaas weyn ee ka baxay, si gaar ahna waxaan uga baroor-diiqayaa ehelkii uu ka dhashay iyo maskax-maalka Soomaalida oo aheyd bah-weynta uu ku abtirsado.

W/Q: Cabdiqaadir Dhaqane Cumar

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Soomaaliya iyo Singapore oo ka wadahadlay Arrimaha Soomaaliya iyo qodobbo kale

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali ayaa…

January 9, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Golaha wasiirrada oo maanta ka hadlay amniga guud ee dalka iyo howlgallada lagu ciribtirayo khawaarijta

Muqdisho-(SONNA)-Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa ayaa looga hadlay amniga guud ee dalka iyo howlgallada…

GudahaWararka
May 29, 2025

Soomaaliya iyo Azerbaijan oo kala saxiixday heshiis diblomaasiyadeed

Muqdisho-(SONNA)-Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Azerbaijan ayaa ku heshiiyay in baasaboorrada diblumaasiga ee labada dal laga dhaafo shuruudaha dal-ku-galka, kadib…

GudahaWararka
October 15, 2025

RW Xamse oo qaabilay Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha Seerbiya u qaabilsan Geeska Afrika

Muqdisho-(SONNA)-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha Seerbiya…

GudahaWararka
April 20, 2024

𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐞 𝐀𝐦𝐢𝐢𝐫 𝐨𝐨 𝐝𝐡𝐚𝐠𝐚𝐱-𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐝𝐝𝐚𝐝𝐚 𝐋𝐚𝐚𝐦𝐢𝐠𝐚 𝐞𝐞 d𝐞𝐠𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐊𝐚𝐱𝐝𝐚

𝑴𝒖𝒒𝒅𝒊𝒔𝒉𝒐-(SONNA)-Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada muqdisho Mudane 𝐌𝐚𝐱𝐚𝐦𝐞𝐝 𝐀𝐱𝐦𝐞𝐝 𝐀𝐦𝐢𝐢𝐫 ayaa dhagax-dhiggay dhismaha waddada Laamiga ee degmada Kaxda. Dhismaha…

GudahaWararka
May 28, 2025

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023