Lix ka mid ah ciidamada Police-ka Afghanistaan ayaa ku dhintay qarax ka dhacay gobalka Herat ee galbeedka dalkaas.
Guddoomiyaha gobalka Herat Sayid Waxiid Kaataale ayaa warbaahinta u xaqiijiyay dhimashada ciidamada ka tirsanaa Policw-ka dalkaas.
Gudoomiyuhu wuxuu intaas ku daray in miino lagu aasay waddada dhinaceeda ay ku qaraxday gaari ay saarnaayeen ciidamada dhintay.
Ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda qaraxa, inkasta oo dowladda Afghanistan ay ku eedeyso qaraxyada nuucaan ah kooxda Daalibaan ee ka dagaalanta dalkaas.