Wafdi uu hoggaaminayo Iimaamka Mudulood Imaam Daahir Imaam Maxamuud qeybna ay ka yihiin Wabaro, Ugaasyo iyo Salaadiin ayaa goordhow gaaray magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan.
Madaxweyne ku-xigeenka Dowlad Goboleedka Hirshabelle Yuusuf Axmed Hagar, Odayaal, Nabadoono iyo qeybaha bulshada ayaa wafdigaasi ku soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif ee Beledweyne.
Wafdiga ayaa Beledweyne kaga qeyb galaya aaska iyo tacsida Marxum Ugaas Xasan Ugaas Khaliif oo ku geeriyooday Muqdisho.