Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Ciidanka Xoogga oo howlgallo ka fuliyay koonfurta Sh/Dhexe
    March 12, 2026
    Taliyaha Ciidanka Xoogga oo la dardaarmay ciidan loo diyaariyay tababar dhanka dibadda ah
    March 12, 2026
    HOGGAAMIYAASHA SOOMAALIYA, JABUUTI IYO ITOOBIYA OO KULAN SADDDEX-GEESOOD AH KU YEESHAY JABUUTI
    March 12, 2026
    Wasiirka Qoyska XFS oo ka qeybgashay shir heer wasiir ah oo ka dhacay New York
    March 12, 2026
    Wanlaweyn oo ku soo baxday Tartanka Ramadaan iyo jadwalka wareegga 4-aad oo la sameeyay
    March 12, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
    February 16, 2026
    Waa Mas’uuliyad Qaran In La Badbaadiyo 4.6 Milyan oo Soomaali Ah (warbixin)
    February 6, 2026
    Kumoow ahaa Horjooge Cabdullaahi Wadaad?
    January 31, 2026
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Dawladda oo amarro cusub ka soo saartay xakamaynta cudurka Karona Fayras
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Dawladda oo amarro cusub ka soo saartay xakamaynta cudurka Karona Fayras
GudahaWararka

Dawladda oo amarro cusub ka soo saartay xakamaynta cudurka Karona Fayras

By Aadan Sooyaal
Last updated: February 17, 2021
2 Min Read
Share

Muqdisho (SONNA)- Shir jaraa’id oo galabta ay Muqdisho ku qabteen wasiirada caafimaadka, warfaafinta iyo amniga oo ay hareer joogeen taliyaasha ciidamada xoogga iyo Booliska ayaa lagu sheegay in dawladda oo ka duulaysa xaaladda faafista cudurka COVID-19 iyo talooyinka ay bixiyeen madaxda sare iyo khuburada caafimaadka ay soo saartay amarro cusub oo lagu xakamaynayo cudurka.

Wasiirka warfaafinta xukuumadda FS mudane Cusmaan Abuukar Dubbe ayaa sheegay in la fasaxay shaqaalaha dawladda, marka laga reebo shaqaalaha ka hawlgala meelaha muhiimka ah ee aan adeeg bixinta dawladda looga maarim, lana joojiyey dhammaan kulamada bulshada.

Dawladdu waxay bulshada ku adkaysay in la dhaqangaliyo dhammaan talooyinka caafimaad ee la xiriira ka hortagga cudurka COVID-19, oo ay ku jirto in la kala fogaado af-xirkana la qaato, waxaana masaajidda, goobaha waxbarashada iyo cayaaraha loo samaynayaa hab nidaamin gaar ah oo lagu ilaalinayo badqabka bulshada.

Wasiirka caafimaadka xukuumadda FS marwo Fowsiyo Abiikar Nuur ayaa xustay in 24-tii saac ee la soo dhaafay ay cudurka u geeriyoodeen ilaa 15-qof 50-kalena ay u jiifaan Isbitaalada dawladda, sidoo kalena ay jiraan dad cudurka u geeriyooday oo aan la diiwaan galin, taas oo muujinaysa in khatarta cudurku sare u kacday.

Waxay sheegtay inay hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO la kaashanayaan baaritaanka cudurka COVID-19, si loo ogaado nuuc cusub inuu yahay iyo in kale, iyadoo tallaaka cudurka uu soo gaari doono, kaas oo xakamayntiisa qayb wayn ka qaadanaya.

Wasiirka amniga xukuumadda FS Xasan Xundubeey Jimcaale ayaa isna sheegay in dawladda ay mas’uuliyad ka saarantahay badbaada bulshada, sidaa darteedna go’aanadan lagu saleeyey aqoon caafimaad iyo xog ogaalnimada xaaladda dalka, waxaana uu intaa ku daray in ciidamadu u xilsaaranyihiin dhaqangalinta go’aanada dawladda ka soo baxay.

Wasiirka oo la weydiiyey banaanbaxa ay musharixiinta xilka madaxweynaha qaarkood ku baaqeen ayaa xusay inuusan jirin ogeysiin rasmi ah oo dawladda soo gaaray, inkastoo muwaadiniinta uu sharciga dalku siinayo xaq ay fikirkooda ku soo bandhigi karaan, balse aan la ogolayn kulan dadweyne si cudurka looga digtoonaado.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Ciidanka Xoogga oo howlgallo ka fuliyay koonfurta Sh/Dhexe

Ciidanka Xoogga Dalka gaar ahaan Guutada 17aad ee Qeybta 1aad ee Kumaanooska Gorgor ayaa howlgallo…

March 12, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Madaxweynaha Golaha Sare ee Sudan oo Waraaqaha Aqoonsiga Safiirnimmo ka guddoomay Safiirka Cusub ee Somalia u fadhin doona Sudan “Sawirro”

Khartoum (SONNA)- Madaxweynaha Golaha Sare ee Dawladda Sudan Mudane Cabdi-fitaax Al-burhaan ayaa Waraaqadaha Aqoonsiga Safiiirnimmo ka guddoomay Danjire  Maxamed Isxaaq…

Wararka
October 15, 2019

Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo gargaar deg-deg ah u dirtay Guriceel

Muqdisho-(SONNA)-Wasaaradda Gargaarka iyo maareynta Musiibooyinka Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya, ayaa gargaar deg deg u dirtay magaaladda Guriceel ee gobolka Galgaduud halkaasi…

GudahaWararka
October 27, 2021

Golaha Aqalka Sare oo ansixiyay Hindise Sharciyeedka Barakacayaasha Gudaha

Muqdisho(SONNA):-Mudanayaasha Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ansixiyay Hindise Sharciyeedka Barakacayaasha Gudaha, kaasi oo ay Golaha…

GudahaWararka
November 3, 2025

Soomaaliya iyo Rwanda oo gaaray heshiis iskaashi oo dhinaca Diblomaasiyadda ah

Kigali (SONNA):  Wasiirka arrimaha dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Cabdisalaam Cabdi Cali ayaa maanta magaalada…

GudahaWararka
October 27, 2025

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023