Muqdisho-(SONNA)- Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa mid xaqiiqada ka fog ku tilmaantay warbixin uu soo saaray guddigii xaqiiqo raadinta ee dhawaan loo saaray dacwaddii ay Soomaaliya ka gudbisay Dowladda Kenya.
Guddigan oo ay hoggaamineysay Dowladda jabuuti ayay xukuumadda Soomaaliya ku eedeysay inaysan dhex-dhexaad ka ahayn arrimaha labada dal, maaddaama ay dafireen tacaddiyada ay Soomaaliya ka geystaan Ciidanka Kenya.
Xukuumadda Soomaaliya ayaa raalli-gelin deg-deg ah ka dalbatay dowladda aynu walaalaha nahay ee Jabuuti.