Muqdisho (SONNA)-Gunaanadka shirwaynaha ururka Qareenadda Galmudug oo muddo dhowr iyo toban cisho ah ka socday magaaladda Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug ayaa lagu doortay hoggaanka Qareenada Galmudug oo ka kooban Guddoomiye, Guddoomiye ku-xigeen iyo xoghaye guud oo ka shaqeyn doona socod-siinta howlaha .
Doorashadan oo ay ku tartameen dhowr Musharax oo ay u kala codeeyeen Qaraneeda u diiwaan gashan Xafiiska Guddoonka Maxkamadda Sare ee Galmudug ayaa waxaa ku kala guuleestay Maxamed Cabdullaahi Macalin oo loo doortay Guddoomiyaha ururka Qareenada Galmudug, halka ku-xigeen loo doortay Maxamed Cabdi Warsame, iyadoo xogyaha guudna uu ku guuleestay Maxamed Cabdi Daahir.
Maxamed Cabdullaahi Macalin Guddoomiyaha la doortay ee ururka Qareenada Galmudug ayaa balan qaaday in ay ka shaqeyn doonaan sidii loogu adeegi lahaa dadka u baahan in lagu taageero xaquuqdooda dastuuriga ah ee cadaaladeed.