Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Wafdi uu hoggaaminayo wasiirka tamarta iyo khayraadka biyaha oo gaaray Dhuusamareeb
    January 30, 2026
    Maamulka Cisbitaalka Erdogan oo u dabbaaldegay xuska sanadguuradii 12 aad ee aasaaska cisbitaalkaasi
    January 30, 2026
    Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta XFS oo lagu soo dhoweeyay London
    January 30, 2026
    Soomaaliya oo ka Qeyb Galeysa Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Carabta iyo Hindiya
    January 30, 2026
    wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya oo shir kaga qayb galay dalka Talyaaniga
    January 30, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
    Indonesia oo mar kale xaqiijisay taageerada buuxda ee madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya
    January 13, 2026
    Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho
    January 6, 2026
    Madaxweyne Erdogan oo helay abaalmarin khuseysa xagga bini’aadanimada
    November 27, 2025
    Qadar oo qabaneysa shirka caalamiga ah ee hal-abuurka waxbarashada
    November 21, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
    Laascaanood waa Xuddunta Midnimada Dalka
    January 19, 2026
    SONNA: 62 Sanno oo Adeeg Qaran iyo Codka Soomaaliya ee Caalamka
    January 7, 2026
    Markii ay Soomaaliya tallaabo horay u qaadaba maxaa loo Qulbaa? (WARBIXIN)
    January 3, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Jadwalka Doorashooyinka 2020/21 ee Aqalka Sare iyo Golaha Shacabka Barlamaanka JFS oo la shaaciyay “SAWIRRO”
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Jadwalka Doorashooyinka 2020/21 ee Aqalka Sare iyo Golaha Shacabka Barlamaanka JFS oo la shaaciyay “SAWIRRO”
Wararka

Jadwalka Doorashooyinka 2020/21 ee Aqalka Sare iyo Golaha Shacabka Barlamaanka JFS oo la shaaciyay “SAWIRRO”

By Aadan Sooyaal
Last updated: December 23, 2020
2 Min Read
Share

Muqdisho (SONNA)- Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal (GHDHF) isagoo tix gelinaya heshiiskii 17kii Sebteembar 2020 ee ay wada gaareen Golaha Wadatashiga Qaran oo ka koobnaa Madaxda Dowlad Goboleedyada iyo Dowladda Federaalka. Heshiiskaas oo dhigayey hannaanka iyo xilliga ay doorashadu ka dhacayso dalka.

Guddigu isagoo ka duulaya hawlaha iyo waajibaaka loo igmaday iyo marxaladdan xaasaasiga ah ee uu dalku ku jiro iyo waxa ka dhalan kara dib u dhac kale oo ku yimaadda wakhtiga doorashada, loona baahan yahay in la xaqiijiyo sidii ay dalka uga dhici lahayd doorasho hufan oo xilligeeda ku qabsoonta.

Guddigu isagoo tix raacaya qodobada heshiiska 17 Sebteembar 2020, wajibaadkiisa shaqo ee uu Golaha Wadatashiga Qaran siiyayna gudanaya si ay dalku uga dhacdo doorasho xor iyo xalaal ah, wuxuu maanta oo ay tariikhdu tahay 23ka Diseembar 2020 shaacinayaa taariikhda rasmiga ah ee doorashooyinka Aqalka Sare iyo Golaha Shacabka ay dhacayaan.

Sida ku cad hab raaca doorashada iyo heshiiska Golaha Wadatashiga Qaran, waxaa lasoo hormarinayaa doorashada xildhibaanada Golaha Aqalka Sare oo ay qabanayaan Baarlamaannada Dowlad Goboleedyadu.

Sidaas darteed, diiwaangelinta tartamayaasha Doorashada Aqalka Sare waxay bilaabanaysaa 26ka Diseembar 2020, halka laga sugayo Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada in liiska murashixiinta ay soo saaraan 29ka Diseembar 2020, waxaana doorashada kuraasta Golaha Aqalka Sare lagu soo dhammeystirayaa inta u dhaxaysa 31ka Diseembar 2020 ilaa 6da Jannaayo 2021.

Guddiyada Doorashooyinka Heer Federaal iyo Heer Dowlad Goboleed waxay sidoo kale 7da Jannaayo 2021 gudagalayaan diiwaangelinta, xaqiijinta iyo tababarista xubnaha odayaasha dhaqanka iyo bulshada rayidka ah ee ka qeybgalaya xulista ergooyinka doorashada kuwaas oo lagu faahfaahiyay shuruudahooda habraacyada doorashada.

Guddigu wuxuu rajaynayaa in dhammaan daneeyayaasha arrimaha doorashooyinka ay si hufnaan leh uga wada qayb qaataan tartanka doorashada, beelaha Soomaaliyeedna waa in ay kaalintooda ka qaataan hawlaha doorashada, xulista ergooyinka iyo ka qeybgalka tartanka kuraasta Labada Aqal, iyada oo laga fogaanayo dhammaan wixii khilaafaad keeni kara.

Ugu dambeyn, korjoogayaasha gudaha iyo dibadda waa in ay qaataan doorkooda ku aadan la socoshoda sida doorashooyinka u dhacayaan, si loo xaqiijiyo hufnaanta hannaanka doorashada dalka.

 

 

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Wafdi uu hoggaaminayo wasiirka tamarta iyo khayraadka biyaha oo gaaray Dhuusamareeb

Muqdisho(SONNA):-Wafti heersare ah oo uu hoggaaminayo Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha XFS, Md. Cabdillahi Bidhan…

January 30, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Xafiiska amniga Qaranka oo Muqdisho ku qabtay kulan ku saabsan guddiyada amniga Dowlad Goboleedyada

Muqdisho (SONNA): Xafiiska Amniga Qaranka Soomaaliya ayaa Muqdisho kulan ku saabsan diyaarinta hindise sharciyeedka guddiyada amniga dowlad goboleedyada, kaas oo…

GudahaWararka
October 6, 2025

NISA ayaa caawa hawlgal Qorshaysan ka fulisay Caasimada Muqdisho.

Muqdisho (SONNA)-NISA ayaa caawa hawlgal Qorshaysan ka fulisay Caasimada Muqdisho. "Howlgal gaar ah ayaa caawa lagu beegsaday 15 sargaal oo…

Gudaha
December 1, 2021

Jaamacadda Upeace oo ku deeqday 100 kun oo dhir ah, si ay u taageeerto hindisaha dib u cagaareynta Soomaaliya

Muqdisho (SONNA) Ololaha dhiraynta ee Madaxweyne Dr Xasan Sheekh ayaa taageero weyn kadib markii Jaamacadda Nabadda ee Qaramada Midoobay (UPEACE)…

GudahaWararka
January 1, 2023

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee dalka Ciraaq

Muqdisho(SONNA):-Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa booqday Safaaradda Soomaaliya ay ku leedahay…

GudahaWararka
February 27, 2023

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023