Muqdisho:SONNA)-Qarax nafti halige ka tirsan argagixisada uu galabta ka fuliyey magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug ayaa geystay khasaare nafeed oo soo gaaray dad shacab ah iyo saraakiil ka tirsan ciidamada ammaanka.
Qarax oo ka dhacay banaanka hore ee garoonka kubadda cagta Cabdullaahi Ciise ayaa waxaa uu dhacay galabta qorax dhicii, waxaana ku shahiiday saraakiil ay ka mid yihiin AUN Taliyihii qeybta 21-aad ee ciidanka xoogga General Cabdicasiis Cabdullaahi Qooje iyo Taliyihii ciidanka Danab ee Ururka 16-aad guutada 10-aad Gaashaanle Mukhtaar Cabdi Aadan, Madaxii xasilinta Degmada Caabudwaaq Gaashaanle sare Axmed Baaraaf, oo kamid ahaa saraakiisha ciidanka Qeybta 21,aad ee Xoogga dalka iyo masuuliyiin kale.
Taliyaha ciidanka xoogga dalka General Odawaa Yuusuf Raage oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa xaqiijiyey geerida saraakiisha, waxaana uu guud ahaan ciidanka xoogga iyo shacabka Soomaaliyeed uga tacsiyeeyey geerida ku timid saraakiisha iyo dadkii shacabka ahaa ee cadawgu la beegsaday qaraxa, isagoo caafimaad u rajeeyey inta ku dhaawacantay.
Magaalada Gaalkacyo ayaa isu diyaarineysay soo dhaweynta Wafdiga Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaaka Soomaaliya oo socdaal ku maraya magaalooyinka waaweyn ee Galmudug.