Kulankaani oo ay maanta isugu yimaadeen naafada Gobalka Shabeelaha Dhexe ayaa waxa ay kaga hadleen baahiyaha guud ee haysta ururka naafada, iyagoo sheegay muddooyinkii dambe oo ay la soo gud boonaadeen daruufo dhaqaale xumo iyo daryeel ay u baahnaayeen oo ayna helin, madaama bulshada qayb ka yihiin ayna u baahanyihiin Waxbarasho iyo daryeel caafimaad.
Waxay baaq u direen Dowladda Federalka Soomaaliya iyo Dowlad Gobaleedka Hirshabeelle in ay si deg deg ah ugu soo gurmadaan .
Afhayeenka naafada gobalka Shabeelaha Dhexe Maxamuud Axmed Raage Qaareey oo lahadlay warbaahinta ayaa sheegay inay heysato xaalad beni’aadannimo, ayna codsanayaan in il gaara lagu eeggo.
Ugu danbeeyntii waxaa kulanka naafada gobalka Shabeelaha Dhexe ka hadlay Guddoomiyaha ururka naafada Gobalka Shabeelaha Dhexe Sheekh Isaaq Xaydar Caqiil ayaa ka codsaday wasaaradda gargaarka Xukumadda Federaalka Soomaaliya in ay il naxariisleh ku soo,eegto xaaladda ay ku sugan yihiin.