Muqdisho (SONNA)-Caqabadaha ku hor gudban ka qeybgalka haweenka ee doorashooyinka soo aadan iyo muhiimadda ay leedahay in la dhowro qoonddada dumarka ee kuraasta labada aqal ee baarlamaanka dalka ayaa lagu soo bandhigay shirweynaha haweenka Soomaaliyeed ee u qareemidda qoondada dumarka 30% ee ย labada aqal ee BFS.
Shirka oo ku qabsoomay masraxa qaranka ayna goobjoog ka ahaayeen masโuuliyiin ay ka mid yihiin guddoomiyaha golaha shacabka , raโiisul wasaare ku xigeenka dalka iyo boqolaal kamid ah haween weynah Soomaaliyeed oo ka kala yimid gobolada dalka oo wasaaradda haweenka ku casuuntay ka qeybgalka shirkan.
Dhammaan masโuuliyiinta ka hadashay madasha oo ay kamid yihiin wasiiro, xildhibaano, guddoomiyaal iyo u ololeeyeyaasha xuquuqda dumarka Soomaliyeed ย ayaa wadajir usoo dhaweeyeen dadaalada ay wado wasaaradda haweenka XFS ee ku aadan xaqiijinta qoonddada 30% ah ee haweenka Soomaaliyeed ku leeyihiin baarlamanka dalka.
Xaniifa Maxamed Ibraahim, wasiirka haweenka iyo horumarinta xuquuqul insaanka xukuumada Soomaaliya ayaa sheegtay in u jeedka shirkan loo qabtay ay tahay sidii loo ilaalin lahaa saamiga haweenka ay ku leeyihiin kuraasta golaha sharci dejinta dalka.
Mahdi Maxamed Guuleed raโiisulwasaare ku xigeenka XFS ayaa tilmaamay in dowlada federaalka ay ka goโan tahay ilaalinta xaqa hablaha Soomaaliyeed u leeyihiin ka qeybgalka siyaasada dalka.
Maxamed Mursal Sheekh Cabduraxmaan Guddoomiyaha golaha BFS oo wasaaradda haweenka ku bogaadiyay masโuuliyadda ay iska saartay ilaalinta xuquuqda haweenka Soomaaliyeed ayaa sheegay in guddoonka golaha shacabku garab taagan yihiin in haweenka fursad loo siiyo ka qeybgalka siyaasadda.
Shirka waxaa laga soo saaray war murtiyeed, qodobadii ku jireyna kamid ahaayeen in baarlamaanka 11-aad ee dhawaan la soo dooranayo 30% noqdaan haween.
In 50% ย laga dhimo haweenka u sharaxan kuraasta labada aqal ee baarlamanka. In kuraasta loo qoondeeyay dumarka aysan kula tartamin ragga.
Shirkan wuxuu ahaa kii ugu horeeyay oo noociisa ah, oo wasaaraddu u qabato haweenka Soomaaliyeed, waxaana lagu casuumay dhammaan wasaaraddaha haweenka ee dowlad goboleedyada, ururada arrimaha haweenka u ololeeya.
Masโuuliyiinta shirweynaha haweenka Soomaaliyeed ka qeybgashay waxaa kamid ahaa, ku guddoomiye ku xigeenka labaad ee golaha Aqalka sare, Mowliid Xuseen Guhaad, wasiirka gargaarka iyo maareynta musiibooyinka Soomaaliya, Khadiija Maxamed Diiriye, xildhibaano ka tirsan labada aqalka ee baarlamaanka Soomaaliya iyo masโuuliyiin kale.