Gaalkacyo (SONNA)- Maamulka degmada Gaalkacyo ayaa wada dadaalo ku aadan xoojinta wadashaqeynta maamulka iyo bulshada magaalada waxaa maanta duqa degmada Gaalkacyo Cabdiraxmaan Shiikh Xasan Jimcaale oo ay wehliyaan wasiirka wasaarada Xanaanada Xoolaha Maxamed Deeq Cabdi Maxamed iyo xubno ka tirsan golaha deegaanka magaalada, ay kormeer ku sameeyeen baahiyaha dhinaca adeegyada bulshada ay ku tageen suuqa weyn ee magaalada Gaalkacyo iyo qaar ka mida xarumaha caafimaadka iyo goobaha waxbarashada ee ku yaala xaafada horumar ee dagmada.
Waxaana Intii uu kormeerka socday warbixino ka dhageysteen qaar ka mida ganacsatada suuq-yada hilibka iyo xoolaha lagu iibiyo sidoo kale qaar ka mida howl-wadeenada xarumaha caafimaad ee ku yaala xaafada horumar kuwaas oo sheegay in ay jiraan baahiyo u baahan in wax ka qabashadooda ay iska kaashadaan maamulka iyo kudhaqan bulshada xaafada horumar.
Kormeerka kadib masuuliyiinta uu horkacayay duqa degmada galkacyo waxa ay kulan la qaateen maamulka iyo bulshada xaafada horumar,kulanka ayaa ugu horeyn waxaa ka hadlay wasiirka wasaarada xanaanada xoolaha Maxamed Deeq Cabdi Maxamed oo sheegay wasaaradiisu ay gacan ka geysan doonto baahiyada ka jira suuqa xoolaha lagu iibiyo si loo hubiyo caafimaadka xoolaha.
Duqa degmada Galkacyo ayaa isna dhankiisa sheegay in kormeerka maanta iyo kulankaan ay qeyb ka yihiin qorshooyinka maamulka uu ugu kuur-galayo baahiyada adeegyada bulshada ee ka jira xaafadaha degmada ,isagoo dhanka kalana ka codsaday shacabka xaafada horumar in ay maamulka kala shaqeyaan wax qabashada dhibaatooyinka ka jira dhanka adeegyada ay bulshada.