Muqdisho (SONNA)- Wafdi uu hogaaminayo wasiirka arrimaha gudaha xukuumadda FS mudane Mukhtaar Xauseen Afrax ayaa maanta gaaray magaalada Baladwyne ee xarunta gobolka Hiiraan, halkaas oo loogu soo dhoweeyay si diiran.
Wafiga oo saakay ka ambabaxaya garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho,waxaa magalaadasi ku soo dhoweeyay madax ka tirsan dowlad goboleedka Hirshabeelle iyo kan gobolka Hiiraan.
Magaalada Baladweyne waxaa haatan ku sugan Madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle Yuusuf Axmedย Hagar, Guddoomiyaha barlamaanka Hirshabeelle Cabdixakiim Luqmaan iyo mas’uuliyiin kale,
Sidoo kale madaxweynaha cusub ee dowlad goboleedka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa la filayaa inuu tago gobolka Hiiraan oo lagu wado inay ka dhacdo munaasabadda caleema saarka maamulka cusub ee Hirshabeelle.