Addis ababa-(SONNA)-Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed, ayaa sheegay inuu bilaabanaayo wajigii ugu dambeeyey ee howlgalka ciidan ee waqooyiga Gobolka Tigay kadib dagaal socday toddobaad.
Ra’iisul wasaaraha ayaa sheegay in militarigu aysan waxyeelayn doonin dadka rayidka ah ee nool caasimadda Mekelle gobolka waqooyiga Itoobiya ee tigreega, dadka ku nool Magaalada Caasimadda ee Mekelle, ayaa lagu qiyaasay 500,000 oo qof. Abiy Ahmed, ayaana ku booriyey dadka shacabka ah inay guryahoodda joogaan.
Hoggaamiyeyaasha Xisbiga TPLF, ee gacanta ku haya magaalada Mekelle ayaa wacad ku maray inay sii waddi doonan dagaalka.
Qaramadda midoobay ayaa ka digay dembyo dagaal oo dhici kara haddii Ciidamadda Itoobiya ay weeraran Mekelle.
Ku dhawaaqista Mr Abiy Ahmed, ayaa ku soo aadaysa kadib markii muddadii loo qabtay inay isku soo dhiibaan hoggaamiyeyaasha Tigreega ay ku ekeed arbacaddii la soo dhaafay.
Boqolaal dad rayid ah ayaa la sheegay inay ku dhinteen halka kumanaan dad ahna ay ka guryahooddii ka carareen kadib markii uu xoogeystay dagaalka socda, iyaddo ciidamadda Itoobiya ay kala wareegeen TPLF magaalooyin kala dhowr ah.
Si kastaba, waxaa adag in la xaqiijiyo ama la helo wararka ama xogaha ku saabsan dagaalkan kadib markii la jaray xariirka taleefanadda iyo Isgaarsiinta Interneetka.