Muqdisho (SONNA)- Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka oo ka hadlayay ansixinta Golaha Adeegga Garsoorka oo ay maanta cod aqlabiyad leh ku asixiyeen Xildhibannada Golaha Shacabka ayaa yiri โWaxaan so dhaweynayaa ansixinta maanta eeย Golaha adeegga Garsoorka ee Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya. Golahu wuxuu u xilsaaran yahay maamulidda howlaha garsoorka iyo damaanad qaadidda madaxbannaanida Garsoorka Dalkaโ.
Xeer-ilaaliyihu wuxuu intaas ku daray โGolaha Adeegga Garsoorka wuxuu kaloo u xilsaaran-yahay soo jeedinta, magacaabidda, anshax-marinta iyo bedelaadda xubnaha Garsoorka dalka si loo xaqiijiyo dalku in uu yeesho garsoor wax ku ool ah, daah-furan oo loo siman yahayโ.
Ugu danbayntii xeer-ilaaliye Sulaymaan ayaa sheegay in loo baahan-yahay in la dhameeyo howlaha u dhiman Golaha adeegga Garsoorka Dalka โMadaxda Garsoorka Dalka gaar ahaanย xeer- ilaaliyaha guud ee Qaranku waxaa uu ugu mahad-celinayaa Wasiirka wasaaraddaย Caddaalada dadaalka dheeriga ah ee uu ku bixiyey horgaynta Golaha Adeegga Golaha shacabka si loo ansixiyo. Wasiirka iyo madaxda kale ee qaranka, waxaan ka rajaynayaa in ay dardar-galiyaan hawlaha u dhiman golaha garsoorkaโ.