MUQDISHO-(SONNA)-Xafiiska Dhiirigelinta maalgashiga Soomaaliya ee SOMINVEST, oo ka tirsan Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee XFS, ayaa ku biiray Ururka Hey’adaha Dhiirigelinta Maalgashiga Adduunka ee magacooda loo soo gaabiyo (WAIPA) oo ay ku bahoobeen in ka badan 170 hey’adood oo dhiirigeliya maalgashiga oo ku kala yaal 130 dal.
WAIPA, ayaa ka caawisa hey’adaha dhiirigelinta sidii ay sare ugu qaadi lahayeen karaankooda ku aaddan dhiirigelinta maalgashiga, sidii hey’aduhu isu dhaafsan lahayeen khibradaha dhiirigelinta maalgashiga iyo in sidii Dowladaha looga caawin lahaa hagaajinta iyo casriyeynta guud ahaan jawiga maalgashiga.
Sidoo kale, WAIPA, ayaa sare u qaadeysa xiriirka ka dhexeeya hay’adaha dhiirigelinta maalgashiga dunida isla markaasna u diyaarinaysa doodo iyo cilmi-baaris ku aaddan hannaanka dhiirigelinta maalgashiga.
“Waa guul u soo hoyatay Ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan bahda ku howlan dhiirigelinta maalagshiga waddanka Soomaliya. Waxaan, si gaar ah, ugu mahadcelinaya intii gacan ka geysatay gaarista hiigsigan ku biirista hey’addan caalamiga ah sida howl-wadeennada Xafiiska Dhiirigelinta Maalgashiga” ayuu yiri Mohamed Dubo, Agaasimaha Xafiiska Dhiirigelinta Maalgashiga (SOMINVEST).
Xafiiska Dhiirigelinta Maalgashiga Soomaaliya ayaa ku howlan soo jiidashada iyo hanashada maalgashi shisheeye si sare loogu qaado jawiga maalgashi ee dalka, loona dhaqan geliyo Qorshaha Horumarinta Qaranka isla markaana loogu abuuro dhallinyarada Soomaaliyeed fursado shaqo.