Muqdisho-(SONNA)-Doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka labaad ee dowlad goboleedka Hirshabeelle oo goordhow ka dhacday Magaaladda Jowhar ee Caasimadda Hirshabeelle ayaa waxaa ku guuleystay C/xakiin Luqmaan Xaaji Maxamed.
Xilka Guddoomiyaha Golaha wakiilada Dowlad Goboleedka Hirshabeelle oo ay ku tartamayeen labo Musharax oo kala ah Xildhibaan Cabdixakiin Luqmaan Xaaji Maxamed iyo Xildhibaan Maxamed Maxamuud Ibrahim (Goodir), ayaa waxaa 77-cod ku guuleystay Xildhibaan C/xakiin Luqmaan Xaaji Maxamed.
Labadda Musharax ayaana kala heley codadkii la diibtay:
Xildhibaan Cabdixakiin Luqmaan Xaaji Maxamed ayaa helay 77 cod halka Xildhibaan Maxamed Maxamuud Ibrahim uu helay 21 cod, Waxaa codeeyey 99 mudane, hal cod ayaana halaabay.