Muqdisho-(SONNA)-Xildhibaanadda Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulanka 3-aad ee Kalfadhiga 8-aad ku yeeshay xarunta ku meel gaarka ah ee Villa Hargeysa, waxaana ay ku ansixiyeen hindise Sharciyeedka Dhismaha Hay’adda Diiwaangalinta Iyo Aqoonsiga dadweynaha Soomaaliyeed.
Kulanka oo ay ku sugnaayeen 143 mudane ayaa waxaa ay cod aqlabiyad ah ku meel mariyeen Hindise sharciyeedka Dhismaha Hayโadda Diiwangelinta Iyo Aqoonsiga Dadweynaha Soomaliyeed, mana jirin xildhibanaad ka aamusay iyo mid diiday.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa sheegay sidaas uu ansax ku yahay sharcigga Dhismaha Hayโadda Diiwangelinta Iyo Aqoonsiga Dadweynaha Soomaliyeed.
Kulanka oo ay shir Guddoominayeen Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxman iyo Guddomiye ku xigeenka Koowaad ee Golaha Shacabka Mudane Cabduweli Sheekh Ibraahim Muudey, ayaa sido kale waxaa Akhrinta 2-aad ay Xildhibaanaddu mariyeen Hindise Sharciyeedka Hay’adda Socdaalka.