Wasiir Cismaan Abokor Dubbe wuxuu horaantii todobaatanaadkii ku dhashay degaanka Shan-Shacadde oo ka tirsan dagmada Burco ee gobolka Togdheer. Tacliinta dhexe iyo Sare wuxuu ku dhamaystay dugsiyada 1da Maajo iyo Kaasa-Bobolaare, dagmada Hodan ee magaalada Muqdisho,Sanadkii 1990kii ayuu galay dugsiga Tababarka Xalane, kaddibna wuxu macallin ka noqday dugsiga sare ee Hawl-Wadaag ee magaalada Muqdisho,dabayaaqadii 1990kii wuxu helay Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan Kulliyadda Caafimaadka (Medicine), laakiin dagaalkii sokeeye dartii uma suurta gelin inuu bilaabo,
Sanadihii Sagaashamaadkii oo dhan Cismaan Dubbe Wuxu ahaa Saxafi iyo Tafatire ka hawl-gala wargaysyada ka soo baxa maamulka Somaliland,October 1998kii ayuu galay Kuliyaddala Tower Hamlets College, ee London. Machadkaas oo uu ka baxay July 2000, isaga oo ka qaatay Social Science Diploma, June 2003dii wuxuu ka qalin jabiyay Jaamacaddii Westminster, isaga oo ku takhasusay culuumta siyaasadda (Political Science).
September 1999kii ayuu Professorku kow ka noqday aasaasayaashii Xisbigii ugu horeeyay xisbiyadii Somaliland, xisbigaas oo la oran jiray Xisbiga Ilays, waxaanu noqday guddoomiyihii ugu horeeyay ee xisbigaas.
Mudadii uu wasiirku joogay dalka Ingiriiska Wuxuu ka soo shaqeeyay adeegga dadwaynaha (Community Work), iyo laโ taliye sharci, gaar ahaan arimaha socdaalka (immigration), sidoo kalana wuxuu kaaliye ka noqday cilmi-baaris mug wayn oo jaamacadda LSE ku samaynaysay nolosha dadka waawayn ee ka soo jeeda bulshooyinka laga tirada badan yahay ee UK, Isla xiliyadaasna 2003-2005 Prof. Dubbe wuxu magaalada London ka soo saari jiray jariirad la oran jiray Ocean Somali Voice oo ku wada qornayd Af-ingiriisi iyo Af-Soomaali, wuxuuna Internetka iyo wargaysyada kale ee madaxa bannaan ku daabacay maqaallo si joogto ah u soo bixi jiray oo cinwaankoodu ahaa Badwaynta Nolosha.
September 2006 ayuu shahaadada Master of Law (LLM Law) ka qaatay Jaamacadda East London (University of East London),Bilowgii sanadka 2008 Cismaan Abokor wuxu mar kale kow kaโ noqday abaabulkii iyo aasaaskii Xisbiga HANOOLAATO oo ujeedadiisu ahayd midaynta, walaalaynta iyo soo celinta qaranimadii waynayd ee Soomaaliya (Great Somalia) waxuuna noqday Hoggaamiyahii koowaad ee Xisbiga HANOOLAATO. Intii uu hayay hoggaaminta Xisbiga Ha noolaato Cismaan Dubbe wuxu kor u qaaday isku xirka xubnaha iyo baahinta afkaarta Xisbiga.
December 2011kii ayay Hayโadda IOM u qaadatay Prof. Cismaan in uu noqdo khabiir Wasaaradaha dalka ka caawiya qoraalka sharciyada iyo tababarka shaqaalaha. Hawshii ugu horaysayna wuxu ka bilaabay Wasaaradda Cadaaladda ee maamulka Somaliland oo uu la shaqaynayay illaa 2013kii,Wajigii labaadna wuxu ka shaqo bilaabay magaalada Muqdisho gaar ahaan Wasaaradaha Cadaaladda iyo Dastuurka oo uu la shaqaynayay sanadihii 2014 iyo 2015,Muddadaas uu ku shaqaynayay wasaaradahaas Prof. Dubbe wuxuu wax ka qoray sharciyo badan oo ay ansixiyeen Baarlamaanada Federaalka iyo kan maamulka Somaliland.
Prof Cismaan Abokor Dubbe 2012kii illaa 2018kii wuxu ahaa macallin jaamacadeed,Waxaanu soo noqday Hormuudka Kuliyadda Social-ka iyo Siyaasadda ee Jaamacadda Golis. Sidoo kale wuxu booqashooyin macallinnimo ku tagay jaamacadaha Hargiesa University, Abaarso Tech University iyo Golis University Burco. Sidoo kale wuxu Muxaadooriyin cilmi oo ku qabtay Jaamacadaha Simad iyo City University ee Muqdisho.
Wasiir Cismaan Dubbe wuxu qoray laba Buug oo kala ah (Felegmeer) oo uu qoray 2009kii kana hadlaya qaladaadkii siyaasadeed ee Soomaaliya burburiyey iyo xalka midnimada iyo wadajirka Ummadda Soomaaliyeed, iyo Buugga labaad oo uu ka qoray Suugaantiisa, oo uu ku ururiyey 100 maanso, heeso iyo gabayo oo uu Md. Dubbe hal-abuuray. Buuggaas oo hadda daabacadda ku jira lana yidhaahdo (Suugaanta Mangalool).
Bare-Sare Osman Abokor Dubbe, wuxu bilowgii sanadkan 2020ka Magaalada Muqdisho ku aasaasay Xisbi la yiraahdo Xisbiga HILOW. Laakiin waxa saameeyey Shirkii Samareeb oo dowladda Federaalka iyo maamul goboleedyadu ku heshiiyeen in aan doorashada 2021 lagu galin Xisbiyo, Md.Cosman Dubbe wuxu bartay, si mug lehna u dhex-galay Culuumta Siyaasadda, Sharciga, Taariikhda, Suugaanta, Diinta Islaamka, Juqraafiga, Qoraalka iyo Saxaafadda. Waxa kale oo uu aqoon durugsan u leeyahay, Dhaqanka iyo Abtirsiinta ama Anthropology-ga beelaha Soomaaliyeed ee Geeska Africa oo dhan.Wasiirka cusub ee wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka & Dalxiiska ee Soomaaliya wuxuu ku hadlaa isla markaana qoraa 5 luqadood oo caalami ah.