Geveva (SONNA)-Dhinacyada ku dagaalamaya wadanka Libya ayaa heshiis nabadeed ku gaaray dalka Switzerland, ka dib wada-xaajoood ay halkaasi ku yeesheen.
Ergayga gaarka ah ee qaramada midoobay uqaabilsan arimaha Libya Stephanie Turcos Williams ayaa maanta oo jimca ah sheegay in natiijo fiican laga gaaray wada-xaajoodkii ay wafdiyada matalaya kooxaha ku dagaalamaya Libya ay ku yeesheen Geneva, ayna saxiixeen heshiis xabad joojin oo ka hirgalaya dhammaan aagagga dagaalka.
Turcos Williams oo madax ka ah Hawlgalka Taageerada Qaramada Midoobay ee Liibiya (UNSMIL), ayaa sheegtay in war fiican uu u soo yeeray shacabka Libya, kaas oo ah in xabad joojin lagu heshiiyey, balse ay dhinacyada masโuuliyad wayn ay ka saarantahay inay heshiiska dhaqangaliyaan.
Shir jaraaโid oo uu ergaygu ku qabtay Geneva ayuu ku sheegay in gudiga sare ee ka socday dawladda caalamku aqoonsanyahay ee Libya iyo saraakiisha matalaysay General Xaftaar oo maamula qaybo ka mid ah galbeedka dalka Libya ay gaareen heshiis xabad joojin, iyo oo wadada u xaari doona kulamo nabadeed oo dalka Tunesia lagu qaban doono bisha soo socota.
Colaadda dalka Libya ayaa haatan 10-sano jirsatay, waxaana mudadaasi ka dhashay burbur lixaad leh oo soo gaaray kaabayaashii dhaqaalaha dalkaas, dhaawac iyo dhimasho badan oo soo gaaraydad rayid ah iyo baraca kumanaan ka mid ah shacabka dlakaasi ka tirsan.