Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Wasaaradda Sportiga oo tababar u furtay garsoorayaal dumar ah
    July 23, 2025
    Hay’addaha Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya iyo Switzerland oo Kala saxiixday heshiis cusub
    July 22, 2025
    Mas’uuliyiin sare oo ka tirsan Dowladda oo iska diiwaangeliyay Baydhabo
    July 22, 2025
    Howlwadeenno ka tirsan Xafiiska Hanti-dhowrka Guud ee Qaranka oo ka qeyb galay aqoon-isweydaarsi muhiim ah
    July 22, 2025
    Madaxweyne Laftagareen oo xariga ka jaray dhismayaal cusub oo si casri ah loo dhisay
    July 22, 2025
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Turkiga oo sheegay in Israel ay wiiqayso dadaallada dib u dhiska ee Suuriya
    July 18, 2025
    Hay’adda Qaxootiga Dunida oo walaac ka muujisay joojinta Giriigga ee codsiyada magangalyo doonka
    July 11, 2025
    Baadigoobka dad lagu la’yahay daadadkii Texas oo weli socda
    July 6, 2025
    Donald Trump oo riixaya xabbad-joojin cusub oo laga hirgaliyo Gaza
    July 4, 2025
    Turkiga oo qorsheynaya in la ballaariyo nidaamka hubka difaaca ee dallkiisa
    June 27, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Horumarka laga gaaray dagaalada ka dhanka ah Kooxaha Khwaarjta
    July 21, 2025
    Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)
    July 18, 2025
    Cabdulqaadir Ikrama oo Madaxiisa saran tahay $5 Milyan
    July 14, 2025
    Sidee buu iskaashiga BRICS u qaabeynayaa Mustaqbalka Afrika? (WARBIXIN)
    July 12, 2025
    Jacaylka Af Soomaaliga iyo Ardayda Shiinaha
    July 2, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Ra’iisul wasaare Xamse oo furay kulan ciyaareedka xidigaha halyeeyada Soomaaliya iyo Afrika.
    May 27, 2025
    Wasiirka duulista hawada oo qaabilay wafdi ka socda Qaramada Midoobay
    May 27, 2025
    Muqdisho oo berri martigelineysa ciyaaryahanno caalami ah
    May 26, 2025
    Muqdisho oo isu diyaarinaysa soo dhoweynta wafdi sare oo ka socda FIFA iyo CAF
    May 20, 2025
    Degmada Heliwaa oo 14 dhibcood kaga badisay degmada Laascaanood
    March 1, 2025
Reading: Agaasimaha guud ee wasaaradda warfaafinta oo tababar Afka iyo dhaqanka ku saabsan u furay in ka badan 70-wariye
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Agaasimaha guud ee wasaaradda warfaafinta oo tababar Afka iyo dhaqanka ku saabsan u furay in ka badan 70-wariye
Wararka

Agaasimaha guud ee wasaaradda warfaafinta oo tababar Afka iyo dhaqanka ku saabsan u furay in ka badan 70-wariye

By Aadan Sooyaal
Last updated: October 14, 2020
3 Min Read
Share

Muqdisho (SONNA)- Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Soomaaliya mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Sheekh Al-Cadaala, Agaasimaha Waaxda Shaqaalaha iyo Tababarada Wasaaradda Warfaafinta  Mudane Cabdirixiin Ciise Caddow, Agaasimaha Radio Muqdisho Mudane Yaxye Cali Faarax,  Agaasimaha Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed SONNA mudane Cali Cabdiqaadir Cali iyo Agaasimaha Farsamada Eng, Cabdiqaadir Muxudiin Khaliif ayaa ka qeyb galay tababar loo furayay 70 suxufi oo isugu jira Warbaahinta Qaranka iyo kuwa Madaxa Banaan, kaasi  oo lagu qabtay xarunta Wasaaradda Warfaafinta.

Tababarkan oo ay soo qaban qaabisay Waaxda Shaqaalaha iyo tababarada ee Wasaaradda Warfaafinta kuna saabsan Af-ka iyo Dhaqanka oo ay bixinayaan Maxamed Xasan Cirro iyo Axmed Faarax Cali Idaajaa oo ah quburo ku xeel dheer Af-ka Soomaaliga iyo Dhaqanka ayaa socon doono muddo labo cisho ah.

Agaasimaha Waaxda Shaqaalaha iyo tababarada ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdirixiin Ciise Caddow ayaa sheegay in tababarkan uu ahmiyad gaar ah u leeyahay dhamaan suxufiyiinta ka qeyb galaya,

“Suxufiyiinta tababarkan ka qeybgalaya waxa ay ka koobanyihiin 76, 46 ka tirsan Warbaahinta Qaranka qeybaheeda kala duwan, 20 ka socotay Warbaahinta sida gaarka ah loo leeyahay iyo 10 suxufi oo ah ardayda kuliyadda Saxaafadda ka barato Jaamacadda Ummadda ee aqoon kororsiga u yimaada Warbaahinta Qaranka, runtii waxaan rajeynayaa inaad ka faa’iidi doontaan aqoon badan” ayuu yiri Agaasime Cabdirixiin.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Sheekh Al-Cadaala oo furay tababarka aqoon kororsiga ah ayaa sheegay in suxufiyiinta nasiibka u yeeshay tababarka ay ka faa’iideystaan fursadda soo martay.

“Waa fursad laga yaabo in inbadan oo halkan fadhiso aysan soo marin, laga ogeyn in ay soo mari doonto, tababarkan waxa uu ku yimid dareenka Ustaad Idaajaa oo sanad ka hor balan qaaday in uu tababar qaban doono, waxaana idinku boorinayaa inaad fursadan ka faa’iideysataan”. Ayuu yiri Agaasime Cabdiraxmaan Al-Cadaala.

Tababarka ayaa suxufiyiintii ka qeyb galaya waxa ay mudda labada cisho ah qaadan doonaan casharo la xiriirta xogwaran ku saabsan taariikhda saxaafadda Soomaaliya iyo dhaqanka.

    

        

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka

WararkaWargayskaWaxbarashada
March 3, 2025

Wasaaradda Sportiga oo tababar u furtay garsoorayaal dumar ah

Muqdisho-(SONNA)-Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga Xil. Dahabo Susow Mohamud ayaa maanta si rasmi ah…

July 23, 2025

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Madaxweyne Xasan“Maamulka Soomaliland waa in uu dhageystaa rabitaanka dadka reer Sool”

Muqdisho(SONNA)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad u jeediyay Jamaacada Salaadda Jumcaha ku oogtay Masjidka Madaxtooyada ayaa ka…

GudahaSiyaasaddaWararka
February 17, 2023

Danjire Abuukar Baalle” Waxaa jira dalal badan oo diyaar u ah in ay hub nuuc walba ah siiyaan dowladda”.

Muqdisho.(SONNA):- Danjire Abuukar Baalle ayaa sheegay in ay jiraan dalal badan oo diyaar u ah in ay Dowladda Soomaaliya siiyaan…

GudahaWararka
December 4, 2023

Ciidamada Amniga oo howlgalo ka sameeyay Muqdisho

Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Gaashaan ayaa xalay hawlgal qorsheysan ka sameeyay xaafado ka tirsan Degmada Warta-nabadda ee…

Wararka
January 9, 2020

Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo Aqalka Dowladda hoose ku soo dhaweeyay Guddoomiyaha cusub

Muqdisho(SONNA):-Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ee xafiiska sii baneynaya Mudane Sheekh Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar kusoo…

GudahaWararka
December 16, 2024

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023