Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Ingiriiska ee Soomaaliya
    September 28, 2025
    Wasiir Ku-xigeenka Caafimaadka oo kulan la qaatay sii-hayaha xilka Wasiirka Caafimaadka Botswana
    September 28, 2025
    Wasiirka Maaliyadda oo kulan la qaatay Wasiir Ku-Xigeenka Maaliyadda Dalka Sacuudiga
    September 28, 2025
    Dowladda oo sheegtey in dekedaha Muqdisho & Berbera ay noqdeen kuwa ugu waxqabadka wanaagsan Bariga Afrika
    September 28, 2025
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeyb galay casho sharaf uu martigeliyay Donald Trump
    September 27, 2025
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgaly furitaanka meertada 80-aad ee golaha guud ee Qaramada Midoobay
    September 23, 2025
    Illaa kun ruux oo ku dhintay dhul go’ ay sababeen roobab ka da’ay Sudan
    September 2, 2025
    Dhulgariir geystay khasaarooyin kala duwan oo ka dhacay Afganistan
    September 1, 2025
    Madaxda Ruushka & W/Kuuriya oo todobad kadib ku wajahan Shiinaha
    August 28, 2025
    Drone nooc cusub ah oo Dunida ku soo biiray
    August 16, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Wax ka ogoow Taariikhda Farsamo yaqaankii ugu horreeyay ee Raadiyo Muqdisho (SAWIRRO)
    September 24, 2025
    Guushu waa adigoo wax yar Cagaha Dhulka ku haya (FAALLO)
    September 15, 2025
    Afar fariimood oo ay dirtay jabinta difaacyadii iyo duullaankii Khawaarijta
    September 15, 2025
    Gobolka Banaadir oo qeyb ka noqday abaabulka wajiga cusub ee la dagaalanka khawaarijta
    August 30, 2025
    Xogaha Shidaalka Soomaaliya (WARBIXN)
    August 29, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Safaaradda Soomaaliya ee kenya oo Hamblayo u dirtay Kooxda Dekadaha oo guul usoo hooyay Dalkeena
    September 28, 2025
    Dekedaha oo muujisay awood, kadib markii ay guul ka gaartay Al-Zamala
    September 21, 2025
    Kooxda Dekedaha soomaaliya oo Nairobi kula ciyaaraysa Al Zamala Sports Club
    September 20, 2025
    Maareeyaha Dekadda Muqdisho oo Sagootin u Sameeyay Kooxda Dekedaha
    September 15, 2025
    Ra’iisul wasaare Xamse oo furay kulan ciyaareedka xidigaha halyeeyada Soomaaliya iyo Afrika.
    May 27, 2025
Reading: Ra’iisul Wasaare Rooble “Doorasho ayaa loo dhaqaaqayaa”
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Ra’iisul Wasaare Rooble “Doorasho ayaa loo dhaqaaqayaa”
GudahaWararka

Ra’iisul Wasaare Rooble “Doorasho ayaa loo dhaqaaqayaa”

By Aadan Sooyaal
Last updated: October 3, 2020
2 Min Read
Share

Muqdisho (SONNA)- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo ku dhawaaqay dhaqan-gelinta Heshiiska iyo Habraacyada Doorashooyinka ayaa adkeeyey muhiimadda ay leedahay in muwaadin kasta oo Soomaaliyeed uu doorkiisa ka qaato habsami u socodka doorashooyinka dalka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ka warbixiyey sida ay uga go’an tahay hirgelinta doorasho muujinaysa hor u socodka iyo horumarka dalka, iyadoona Xukuumaddu ay u gudbinaysaa Hay’adaha Qaranka qoraalka faafinta iyo dhaqangalinta doorashooyinka ee 2020/2021, Taas oo ku saleysan heshiisyadii doorashooyinka ee Golaha Wadatashiga Qaranku gaaray.

“Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, iyadoo eegaysa muhiimadda ay leedahay in doorashooyin xalaal ah oo daahfuran dalka ka dhacaan, waxay ku wargalineysaa dhammaan hay’adaha kala duwan ee qaranka ee ku shaqada leh arrimaha doorashooyinka iney waajibaadka kaga aaddan u gutaan si waafaqsan habraacyada doorashooyinka ee lagu heshiiyey.”

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa uga mahadceliyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo tanaasulkii iyo xilkasnimadii ee uu sameeyay si loo gaaro heshiisyada la xiriiray arrimaha Doorashooyinka ee ugu dambeeyay heshiiskii bishan Oktoober ee lagu jaan-gooyay Habraaca Doorashooyinka 2020/2021.

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda ayaa uga mahad-celiyey Madaxweyneyaasha Dowlad-gobeeldyada dalka iyo Guddoomiyaha Gobolka Benaadir mas’uuliyadda iyo dabacsanaanta ay muujiyeen si loo gaaro heshiis loo dhan yahay.

Ugu danbeyntii, Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble waxa uu ku bogaadiyey Guddoonka iyo Xubnaha Labada Aqal ee Baarlamaanka sida deg-degga ah ee ay u sharciyeeyeen heshiiska, ugana guteen waajibaadka Dastuuriga ah ee ka saarnaa.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka

WararkaWargayskaWaxbarashada
March 3, 2025

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Ingiriiska ee Soomaaliya

Muqdisho(SONNA (:-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe),…

September 28, 2025

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Guruubka B ee Koobka General Daa’uud oo galabta la soo gabagabaynayo xilli ay isku dheggan yihiin Horseed vs Muqdisho City Club & Elman vs Dekedda

Muqdisho(SONNA)-  Kulamo ka tirsan koobka General Daa’uud ayaa la dheeli doona waxaana is arki doona kooxaha kala ah; Horseed FC…

CiyaarahaGudaha
January 21, 2020

In ka badan 100 ka tirsan Khawaarijta oo lagu dilay dagaalkii ka dhacay shalay gobolka Mudug 

Muqdisho (SONNA):-Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiisa Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Daa’uud Aweys Jaamac, oo shir jaraa'id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa…

GudahaWararka
October 5, 2023

DFS oo cambaaraysay weerar Argagixiso oo ay kooxda Xuutiyiinta Yemen ku qaadeen Dalka Sacuudiga

Muqdisho-(SONNA)-Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa si adag u cambaaraysay malleeshiyaadka Xuutiyiinta ee ka dagaallamo dalka Yemen, markii ay Diyaarad aan duuliye…

WararkaWargayska
February 14, 2021

Danjire Tarsan oo xaflad sagootin ah loogu qabtay Nairobi

Nairobi-(SONNA)-Munaasabad sagootin ah ayaa loogu qabtay xarunta Wasaaradda Arrimaha dibedda ee dalka Kenya danjire, Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan) oo ay…

GudahaWararka
November 8, 2023

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023