Hobyo (SONNA)- Ciidamo isugu jira Daraawiishta Galmudug, NISA iyo Booliiska ayaa tagey deegaanno hareeraha ka ah degmada Hobyo oo maalmihii la soo dhaafay ay ka jirtay shaqaaqada dhul ay isku haysteen dadka deegaanka.
Guddoomiyaha Gobolka Mudug ee Galmudug Cabdiraxmaan Cali Diiriye, Guddoomiyaha degmada Hobyo Cabdulaahiย Maxamed Cali (Faat) iyo ku xigeenkiisa, iyo Xildhibaanno baarlamaanka Galmudug ka tirsan ayaa gaaray goobtaas, ayagoo u kuurgalay sidii wax u dhaceen, sidoo kale ciidamada amniga ayaa halwgalladoodii magaalada Hobyo uu weli meeshiisii ka sii socdo.
Dadweynaha Hobyo ayaa soo dhoweeyey masโuuliyiinta iyo ciidamada Amniga ee hawlgallada Hobyo ka wada, ee lagu qabqabtay kooxo amni-darro waday iyo kuwa kale oo ka ganacsada maandooriyaha.
Ciidamada ayaa xiray ilaa 5-qof oo lagu eedeeyey inay ku lug lahaayeen falalka xirmaysiga dhulka ee abuuray xiisadda dagaal iyo kuwa kale oo loo haysto inay Khamri ku iibinayeen magaalada, sida uu SONNA u sheegay qof goob-jooge ah.
Tallaabada ay ciidamadu ka qaadeen dadkaasi ayey xaaladda magaaladu isku badashay jawi nabadeed, waxaana bulshadu ka mahadcelisay sida deg degga ah ee ciidamadu uga hawlgaleen arrintan, ka hor inta aysan dhicin wax qasaaro ah.