Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeyb galay casho sharaf uu martigeliyay Donald Trump
    September 27, 2025
    Wejiga Saddexaad ee Howlgalka “ Duufaanta Aamusan” oo si dardar leh uga socda Sh/Hoose
    September 27, 2025
    Muxuu Soomaaliya uga dhigan yahay kursiga ay ku yeelatay Golaha Ammaanka?
    September 27, 2025
    Madaxweynaha JFS oo booqday xarunta Safaaradda Soomaaliya ee Mareykanka
    September 27, 2025
    Ra’iisulwasaaraha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Wafdi ka socda Ururka Jaamacadda Carabta
    September 27, 2025
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgaly furitaanka meertada 80-aad ee golaha guud ee Qaramada Midoobay
    September 23, 2025
    Illaa kun ruux oo ku dhintay dhul go’ ay sababeen roobab ka da’ay Sudan
    September 2, 2025
    Dhulgariir geystay khasaarooyin kala duwan oo ka dhacay Afganistan
    September 1, 2025
    Madaxda Ruushka & W/Kuuriya oo todobad kadib ku wajahan Shiinaha
    August 28, 2025
    Drone nooc cusub ah oo Dunida ku soo biiray
    August 16, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Wax ka ogoow Taariikhda Farsamo yaqaankii ugu horreeyay ee Raadiyo Muqdisho (SAWIRRO)
    September 24, 2025
    Guushu waa adigoo wax yar Cagaha Dhulka ku haya (FAALLO)
    September 15, 2025
    Afar fariimood oo ay dirtay jabinta difaacyadii iyo duullaankii Khawaarijta
    September 15, 2025
    Gobolka Banaadir oo qeyb ka noqday abaabulka wajiga cusub ee la dagaalanka khawaarijta
    August 30, 2025
    Xogaha Shidaalka Soomaaliya (WARBIXN)
    August 29, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Dekedaha oo muujisay awood, kadib markii ay guul ka gaartay Al-Zamala
    September 21, 2025
    Kooxda Dekedaha soomaaliya oo Nairobi kula ciyaaraysa Al Zamala Sports Club
    September 20, 2025
    Maareeyaha Dekadda Muqdisho oo Sagootin u Sameeyay Kooxda Dekedaha
    September 15, 2025
    Ra’iisul wasaare Xamse oo furay kulan ciyaareedka xidigaha halyeeyada Soomaaliya iyo Afrika.
    May 27, 2025
    Wasiirka duulista hawada oo qaabilay wafdi ka socda Qaramada Midoobay
    May 27, 2025
Reading: Madaxweynaha Faransiiska oo ku goodiyey meel marinta sharciyo ka dhan ah muslimiinta
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Caalamka > Madaxweynaha Faransiiska oo ku goodiyey meel marinta sharciyo ka dhan ah muslimiinta
CaalamkaWararka

Madaxweynaha Faransiiska oo ku goodiyey meel marinta sharciyo ka dhan ah muslimiinta

By Aadan Sooyaal
Last updated: October 3, 2020
3 Min Read
Share

Paris (SONNA)- Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa ku dhawaaqay sharci adag oo lagu xakameynayo ‘waxa uu ku tilmaamay islaamiyiinta gooni u goosadka ah’ isla markaana difaacaya qiyamka calmaaniga.

Isagoo khudbad u jeediyey shacabka ayuu sheegay in Muslimiinta Faransiiska ee lagu qiyaaso lix milyan gaarayaan ay khatar ku yihiin dalka.
Qorshaha la soo jeediyey ayaa waxaa kamid ah in si adag insha loogu hayo hanaanka waxbarashada Muslimiinta, sidoo kalena lala socdo lacagaha lagu dhiso masaajidyada iyo meelaha ay ka imaanayaan.

Xukuumadda uu hogaamiyo Macron ayaa waxaa ay cadaadis kala kulamaysaa siyaasadeeda ku aadan wax ka qabashada Muslimiinta mayalka adag, xilli xaalad amni uu wadanku wajahayo.
Qorshaha madaxweynaha uu ku dhawaaqay waxaa sharci ka dhigi doona baarlamaanka marka loo gudbiyo inta uusan dhammaanin sanadkan.
Waxyaabaha la soo jeediyay ayaa waxaa kamid ah;
• In si dhow isha loogu hayo ururada sports-ka iyo ururada kale si loo hubiyo in ay yihiin kuwa islaamka faafinaya
• In la joojiyo imaamyada Faransiiska dibadda looga keeno
• In kor loo qaado hubinta dhaqaalaha lagu dhiso masaajidyada
• In la joojiyo carruurta guriyaha wax lagu baro

Mr Macron ayaa sidoo kale sheegay in Faransiisku dhaqaale maaliyadeed iyo mid bulsho siin doono muhaajiriinta si kooxaha mayalka adag aysan u buuxin meelaha maran ama banaan.
Dadka qaar ayaa qorshaha madaxweynaha u fasirtay in uu cod kaga raadsanayo kooxaha aaminsan afkaarta garabka midig doorashada sanadka 2022.

Laakiin hadalka madaxweynaha waxaa cambaareeyey dadka u dhaq dhaqaaqa danaha Muslimiinta wadanka, waxayna ku eedeeyeen inuu cadaadinayo Muslimiinta dalka ku dhaqan.

Sida uu qabo sharciga Faransiiska xukuumadda waxay ka madax banaan tahay mu’asasaadka diiniga ah, taas oo ah in dadyow kala diimo iyo kala dhaqan ah ay u siman yihiin sharciga wadanka. Faransiiska waxaa ku nool Muslimiinta ugu badan galbeedka Yurub, qaar badan oo iyaga kamid ah ayaa ku doodaya in xukuumadda calmaaniga ay ayaga si gaar ah u beegsanayso, tusaale ahaan mamnuucista Xijaabka.

Madaxweynaha oo Jimcihii ka hadlayay banaanka magaalada Paris ayaa sheegay in islaamiyiinta mayalka adag ay khatar ku yihiin Faransiiska sababtana waxaa uu ku sheegay in ay leeyihiin sharci ka sareeya kuwa kale waxaana laga yaabaa in ay abuuraan iska cabin bulsho.

Waxaa uu sheegay in qaabka ah is gaar yeelista badanaa carruurta lagu baro meelaha ka baxsan dugsiyada dowladda sidoo kalena meelaha bulshada isugu timaado sida; cayaaraha, kulamada dhaqanka iyo dadka u ololeeya bulshada dhammaan waxyaabahaas kama turjamaan sharciga jamhuuriyadda Faransiiska.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka

WararkaWargayskaWaxbarashada
March 3, 2025

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeyb galay casho sharaf uu martigeliyay Donald Trump

Muqdisho,(SONNA):- Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qaybgalay casho sharaf uu…

September 27, 2025

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Beeraleyda waqooyiga magaalada Beledweyne oo dib u bilaabay tacabka beeraha

Muqdisho.(SONNA):- Deegaannada waqooyi ee magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan waxaa ku yaalo dhul beereedka ugu ballaaran oo ku haboon…

GudahaWararka
December 15, 2024

Madaxweyne Farmaajo oo Hooyga uu Ka Degan yahay Nairobi ku Qaabilay Madaxweyne Uhuru Kenyatta “Sawirro”

Nayroobi (SONNA), Nofeembar 14, 2019: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kulan miro dhal ah la qaatay…

Wararka
November 14, 2019

Duqa Muqdisho oo digniin u diray dadka ka ganacsada maandooriyaha

Muqdisho-(SONNA)-Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane, Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa Saldhiga Degmada Yaaqshiid ku kormeeray howlgal ay…

GudahaWararka
April 26, 2023

R/Wasaare Xamza oo la kulmay xildhibaanada Soomaalida ee ku jira  baarlamaanka Kenya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadaa Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre oo maalmahan safar shaqo ku jooga Caasimada dalka Kenya ee…

Gudaha
May 10, 2024

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023