Muqdisho (SONNA)- Madaxweyne Ku xigeenka dowlad goboleedka Galmudug oo kormeeray goobo ganacsi oo ku yaal caasimadda Galmudug, kuwaas oo maanta uu qasaare gaarsiiyey dab ka kacay, isagoo ganacsatada la qeybsday dareenka xanuunka leh ee hantida ku burburtay dabkaas, waxaana uu sheegay in maamulku ka taxadarayo in mar dambe qasaare intaasi la eg oo dab uu sababay uusan ka dhicin magaalada.
Cali Ciid ayaa ballan qaaday in dowlad goboleedka Galmudug ay lacag dhan 22,000$ ugu deeqyso Guddiga ganacsatada Magaalada Dhuusamareeb ee u xilsaaran soo iibinta dab damis ay magaaladu leedahay.
Waxa uu intaas raaciyey in canshuur dhaaf loo sameynayo Ganacsatadii ku hanti beeshay dabkaasi, isagoona ugu baaqay Rugta Ganacsiga Galmudug iyo Guddiga Ganacsatada iney garab istaag u mujiyaan ganacsatada walaalahooda ee waxyeeladu soo gaartay.
Kormeerkan waxaa madaxweyne ku xigeenka ku Weheliyay Wasiirka wasaaradda Cadaaladda, Wasiir Ku xigeenka Maaliyadda, Wasiir ku xigeenka Shaqada iyo arrimaha Bulshada iyo Maamulka Caasimadda.