Muqdisho (SONNA)-Taliyaha qeybta afaraad ee ciidamada AMISOM Col. Cabdiraxmaan Riyaale Xareed oo maanta gaarey Magaalada Samareeb ee Caasimada Galmudug ayaa kulan looga hadlayay Amniga la qaatay Saraakiisha Taliska Qeybta 21-aad oo uu hoggaaminayay Taliyaha qeybta Gen. C/Casiis C/laahi Qooje.
Kulankaan oo diirada lagu saarey howlgalada Argagaxisada looga xoraynayo Galmudug ayuu taliska 21-aad uga mahad celiyay Ciidanka Jabuuti doorka ay ku leeyihiin howlaha socda, iyadoo la isla eegay sida ugu haboon ee howlgalada loo balaarin karayo, si argagaxisada looga dulqaado shacabka Soomaaliyeed eeย dhibaatada ay ku hayeen.