Muqdisho (SONNA)-Ku-simaha Wasiirka Wasaaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Maxamed Amar-dambe oo uu wehliyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya Jeneraal Odawaa Yuusuf Raage ayaa saraakiil ka tirsan qeybta 60aad ee ciidanka tababar ugu soo xireen Muqdisho.
Saraakiishan ayaa la siiyay tababar la xiriira howlaha ciidanka iyo hoggaaminta ciidanka
Munaasabadda lagu soo gabagabeynayay tababarka waxaa ku sugnaa Danjiraha Dowladda UK ee Soomaaliya iyo xubno kale oo ka tirsan Taliska Ciidamada Midowga Yurub ee Soomaliya oo tababarkan bixinayay.
Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa wada qorshe lagu tayeynayo hogaanada Talisyada Ciidanka xoogga dalka.