Muqdisho (SONNA)- Wasaaradda qorsheynta iyo hormarinta dhaqaalaha dalka ayaa maanta magaalada muqdisho ka furtay tababar ku saabsan mashaariicda midowga yurub ee Soomaaliya iyadoo ay ka qeyb-galayaan wasaaraddaha qorsheynta dowlad goboleedyada dalka iyo maamulka gobolka banaadir
Sidoo kale tababar waxaa qeyb ka aha wakiilada qorsheynta ee xfiiska ogolaahshaha masharruicda midowga yurub kaasi oo ku aadan arrimaha bulshada.sida abaaraha,waxbarashada ,dhaqaalaha,bay’adda iyo waxyaabo kale oo ka mid ah waxyaabaha aas aasiga u ah bulshada.
Maxamed Daahir faarax madaxa xafiiska mashaariicda ee midowga yurub ee wasaaradda qorsheynta qaranka oo furitaanka shirka ka hadlay ayaa sheegay in xafiiska oo door weyn ka qaadano xal u-helida masiibooyinka dabiiciga ee soo laa’laabtay iyadoo lagu ilaalinayo habka mashaariicda midowga yurub ee Soomaaliya.
“Waxaa maanta magaalada muqdisho inooga furmay aqoon -isweydaarsi kor loogu qaadayo aqoonta wakiilada xafiiska NAO ee wasaaradaga qorsheynta Dowlad goboleedyada, kaasi ee uu soo agaasimey xafiiska dhexe NAO ee ee wasaaradda qorsheynta dalka.
“ waxaa goob-joog ka ahaa madashan madaxda xafiiska ee wasaaradda Qorsheynta, maal-gashiga iyo horumarinta dhaqalaha Maxamed Farax iyo Prof Cabdirisaaq Jurile oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Aqalka Sare.
“Wakiilada ayaa inta uu socdo aqoon isweeydaarsigan waxaa ay ka doodi doonaan howlaha xafiiska, waaya aragnimada gobalada, shaqooyinka Socda iyo ah-daafta xafiiska ee horumarinta wadanka oo dhan.