Deegaannadaan ayaa mudo ku dhaw 10 sanno waxa gacanta ku haayay maleeshiyada argagixisada Al-shabaab,iyagoo shacabka ku nool dhibaato fara badanu geysan jiray.
Ciidamada xoogga dalka ayaa dadaal xooggan ugu jira sidii ay ย uga xureyn lahaayeen goobaha ay maleeshiyaadka argagixisada kaga sugan yahiin Galgaduud,waxaana ay soo bandhigeen meydadka maleeshiyaadka ย Al-shabaab kaga dhintay,oo uu ku jiro horjooge sare dagaalkii shalay ka dhacay deegaannada hoos yimaada gobolka Galgaduud.
Ciidanka ayaa shalay la weegay deegannada Bulacle, Xirsi-fiin, Cada-xaar, Ceel-guureeye iyo God-dhurwaa,oo koonfurta kaga began magaalada Dhuusa-mareeb, ee xaruunta dowlad goboleedka Galmudug.
Taliyaha ciidanka xoogga dalka Generaal Odawaa Yusuuf Raage oo warbaahinta qaranka la hadlay ayaa sheegay in kooxaha nabad diidka ah jab xoooggan soo gaaray,iyadoo tiradooda gaareyso 16 argagixisada ka tirsan firdhadka kasoo harayna ay iryadeen ciidanka xoogga dalka.
ย