Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeyb galay casho sharaf uu martigeliyay Donald Trump
    September 27, 2025
    Wejiga Saddexaad ee Howlgalka “ Duufaanta Aamusan” oo si dardar leh uga socda Sh/Hoose
    September 27, 2025
    Muxuu Soomaaliya uga dhigan yahay kursiga ay ku yeelatay Golaha Ammaanka?
    September 27, 2025
    Madaxweynaha JFS oo booqday xarunta Safaaradda Soomaaliya ee Mareykanka
    September 27, 2025
    Ra’iisulwasaaraha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Wafdi ka socda Ururka Jaamacadda Carabta
    September 27, 2025
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgaly furitaanka meertada 80-aad ee golaha guud ee Qaramada Midoobay
    September 23, 2025
    Illaa kun ruux oo ku dhintay dhul go’ ay sababeen roobab ka da’ay Sudan
    September 2, 2025
    Dhulgariir geystay khasaarooyin kala duwan oo ka dhacay Afganistan
    September 1, 2025
    Madaxda Ruushka & W/Kuuriya oo todobad kadib ku wajahan Shiinaha
    August 28, 2025
    Drone nooc cusub ah oo Dunida ku soo biiray
    August 16, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Wax ka ogoow Taariikhda Farsamo yaqaankii ugu horreeyay ee Raadiyo Muqdisho (SAWIRRO)
    September 24, 2025
    Guushu waa adigoo wax yar Cagaha Dhulka ku haya (FAALLO)
    September 15, 2025
    Afar fariimood oo ay dirtay jabinta difaacyadii iyo duullaankii Khawaarijta
    September 15, 2025
    Gobolka Banaadir oo qeyb ka noqday abaabulka wajiga cusub ee la dagaalanka khawaarijta
    August 30, 2025
    Xogaha Shidaalka Soomaaliya (WARBIXN)
    August 29, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Dekedaha oo muujisay awood, kadib markii ay guul ka gaartay Al-Zamala
    September 21, 2025
    Kooxda Dekedaha soomaaliya oo Nairobi kula ciyaaraysa Al Zamala Sports Club
    September 20, 2025
    Maareeyaha Dekadda Muqdisho oo Sagootin u Sameeyay Kooxda Dekedaha
    September 15, 2025
    Ra’iisul wasaare Xamse oo furay kulan ciyaareedka xidigaha halyeeyada Soomaaliya iyo Afrika.
    May 27, 2025
    Wasiirka duulista hawada oo qaabilay wafdi ka socda Qaramada Midoobay
    May 27, 2025
Reading: Shirka wadatashiga doorashooyinka iyo dhammeystirka heshiisyadii samareeb 1-3 war-murtiyeed
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Shirka wadatashiga doorashooyinka iyo dhammeystirka heshiisyadii samareeb 1-3 war-murtiyeed
GudahaWararka

Shirka wadatashiga doorashooyinka iyo dhammeystirka heshiisyadii samareeb 1-3 war-murtiyeed

By Aadan Sooyaal
Last updated: September 17, 2020
5 Min Read
Share

Muqdisho(SONNA) Shir ay yeesheen Madaxda Dowlada Federaalka ah iyo Dowladaha Xubnaha ka ah oo uu shir guddoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayna ka qayb-galeen Ku-simaha Raysul Wasaaraha Mudane Mahdi Maxamed Guuleed, Madaxweynaha Dowlada Puntland Mudane Saciid Cabdullaahi Deni, Madaxweynaha Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, Madaxweynaha Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed, Madaxweynaha Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye, Madaxweynaha Hirshabelle Mudane Maxamed Cabdi Waare iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed.

 

Shirkaas wuxuu ka dhacay magaalada Mugdisho intii u dhaxaysay 13 -17 Sebteember 2020.

 

Shirkan waxa uu dabasocday Kulamo isdaba joog ahaa oo kasoo bilowday Samareeb 1 oo ay isugu yimaadeen Madaxweynayaasha Dowladaha Xubnaha ka ah Dowlada Federalka ah ee Puntland, Jubbaland, Galmudug, Hirshabelle iyo Koonfur Galbeed, oo uu ka dhashay Samareeb 2 oo ay wadatashi ku yeesheen Madaxda Dowlada Federaalka ah iyo Madaxda Dowladaha Xubnaha ka ah Dowlada Federaalka ah iyo Gobolka Banaadir oo la xiriiray sidii dalka doorasho waqtigeeda ku qabsoonta ay uga dhici lahayd. Waxaa xusid mudan in shirkan Muqdisho uu dhammeytir u yahay heshiiskii Samareeb 3.

 

Shir-madaxeedkan inta uu socday waxaa la isla gorfeeyay xaaladaha siyaasadeed, amni iyo bulsho ee ku hareeraysan qabsoomidda doorashada Barlamaanka Federaalka ah iyo tan Madaxweynaha, taas oo ku dhacda waqtigeeda si waafaqsan heshiisyadii Samareeb.

 

Haddaba iyadoo taas laga ambaqaadayo, waxay Madaxdu ku dul shaqeeyeen heshiiskii kasoo baxay Samareeb 3. Falanqeyn dheer keddib, iyaga oo dhawraya midnimada dalka iyo wadajirkiisa, tixgelinayana xaaladaha amni iyo siyaasadeed ee dalka ka jira, loona qaban lahaa doorasho xilligeeda ku dhacda, waxay isla qaateen qodobada soo socda;

 

  1. In Dowladda Federaalka ay magacawdo Guddi Doorasho oo heer Federaal ah kaas oo kaashanaya Guddi Doorasho oo heer Dowlad Goboleed ah.
  2. In deegaan doorashooyinka Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka laga asteeyo labo magaalo oo ah caasimadaha Gobollada oo ku dhisan yahay Dowlad Goboleed kasta.

 

 

  1. In tirada ergada Xildhibaan walba u codeynaysa ay noqoto 101 ergo oo mataleysa beesha wadaagta kursigaas.

 

  1. In xulista ergada ay iska kaashanayaan odayaasha dhaqanka, bulshada rayidka ah iyo Dowlad Goboleedka.
  2. In qoondada haweenka ee 30% ah la ilaaliyo.

 

  1. In Baarlamaanka heer Dowlad Goboleed ay soo doortaan Xildhibaannada Aqalka Sare.
  2. In Xildhibaannada Aqalka Sare ee Soomaaliland ay soo doorataan ergo matasha oo wada jir ah.
  3. in doorashada Xildhibaannada labada Aqal ee Soomaaliland ay ka dhacdo magaalada Muqdisho.

 

  1. Qorshaha doorashooyinka dalka waxa uu bilaabanayaa 1-da Nofeembar 2020.
  2. In sugidda amniga doorashooyinka ay ka wada shaqeeyaan hay’daha amniga ee Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladaha Xubnaha ka ah.
  3. Heshiiskan siyaasadeed waxaa loo gudbinayaa Baarlamaanka Federaalka si ay u meel mariyaan.

 

  1. Madaxdu waxa ay adkaynayaan in xorriyadda hadalku ay tahay lama taabtaan sida ku cad Dastuurka KMG ah iyo Xeerka Saxaafadda ee dalka, sidaa darteed, waa in warbaahinta fursad loo siiyaa in ay si xor ah u tabiso goobaha ay codbixintu ka dhacayso, lagana fogaado wax walba oo ka hor istaagi kara gudashada masuuliyadda kaga aaddan doorashada.

 

  1. Shirku waxa uu uga mahadcelinayaa Madaxda iyo bulshada Dowladda Galmudug sida ay u martigeliyeen shirarkii taariikhiga ahaa ee Samareeb 1-3. Sidoo kale, waxaa ammaan mudan shacabka iyo Maamulka Gobolka Banaadir sidii diirranayd ee ay usoo dhaweeyeen Madaxda Dowlad Goboleedyada iyo wufuuddii la socotay.

 

  1. Waxaan bogaadinaynaa Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo hoggaaminta kudhisan isku haynta dalka ee uu muujiyay muddadii ay wadahadalladu socdeen, isaga oo xoogga saaray in wadajir iyo wada-ogol lagu dhammeeyo arrimaha doorashooyinka dalka.

 

  1. Ugu dambeyntii, Shirku waxa uu ku bogaadinaayaa Beesha Caalamka kaalinta muuqata ee ay ka geysaneyso dib u dhiska iyo horumarinta dowladnimada Soomaaliya.

Muqdisho, Sebteembar 17, 2020

DHAMMAAD

 

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka

WararkaWargayskaWaxbarashada
March 3, 2025

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeyb galay casho sharaf uu martigeliyay Donald Trump

Muqdisho,(SONNA):- Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qaybgalay casho sharaf uu…

September 27, 2025

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

R/Wasaaraha XFS iyo wafdi uu hoggaaminaayo  oo ku soo laabtay dalka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa saaka dalka ku soo laabtay kadib safar shaqo oo…

Gudaha
September 5, 2025

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo goordhow gaaray magaalada Baydhabo

BAYDHABO-(SONNA)-Guddoomiyaha golaha shacabka ee Barlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Madoobe iyo wefdi ballaran oo uu hoggaaminayo ayaa goordhow…

GudahaWararka
January 9, 2023

Madaxweyne Qoorqoor oo gaaray degaanada Huurshe iyo Xeraale ee Gobolka Galgaduud

Dhuusamareeb-(SONNA)-Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug , Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-qoor) ayaa safar xagga Dhulka ah ku tagay degaannada Huurshe iyo Xeraale…

Wararka
April 4, 2020

Wasiir Fiqi oo booqday Kulliyado ciidan oo ku yaal dalka Qatar

DOHA-(SONNA)-Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, mudane Axmed Macallin Fiqi iyo wafdi uu hoggaaminayo oo booqasho rasmi ah ku jooga dalka…

GudahaWararka
June 18, 2025

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023