Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Duqa muqdisho oo qaabbilay kusimaha Safiirka Libiya u fadhiya Soomaliya
    July 23, 2025
    Madaxweynaha Hirshabeelle oo qaabbilay wafdi ka socda Unicef
    July 23, 2025
    Soomaaliya iyo Sacuudiga oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka maalgashi ee u dhexeeya labada dowladood
    July 23, 2025
    Duqa muqdisho oo dhaggax-dhigay toddoba waddo oo interlock ah
    July 23, 2025
    ๐–๐š๐ฌ๐ข๐ข๐ซ ๐ค๐ฎ ๐ฑ๐ข๐ ๐ž๐ž๐ง๐ค๐š ๐‚๐š๐š๐Ÿ๐ข๐ฆ๐š๐š๐๐ค๐š ๐จ๐จ ๐ค๐ฎ๐ฅ๐š๐ง ๐ฅ๐š ๐ช๐š๐š๐ญ๐ž๐ฒ ๐”๐ซ๐ฎ๐ซ๐ค๐š ๐ƒ๐ก๐š๐ค๐ก๐š๐š๐ญ๐ข๐ข๐ซ๐ญ๐š ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐ž๐ž๐
    July 23, 2025
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Turkiga oo sheegay in Israel ay wiiqayso dadaallada dib u dhiska ee Suuriya
    July 18, 2025
    Hay’adda Qaxootiga Dunida oo walaac ka muujisay joojinta Giriigga ee codsiyada magangalyo doonka
    July 11, 2025
    Baadigoobka dad lagu la’yahay daadadkii Texas oo weli socda
    July 6, 2025
    Donald Trump oo riixaya xabbad-joojin cusub oo laga hirgaliyo Gaza
    July 4, 2025
    Turkiga oo qorsheynaya in la ballaariyo nidaamka hubka difaaca ee dallkiisa
    June 27, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Horumarka laga gaaray dagaalada ka dhanka ah Kooxaha Khwaarjta
    July 21, 2025
    Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)
    July 18, 2025
    Cabdulqaadir Ikrama oo Madaxiisa saran tahay $5 Milyan
    July 14, 2025
    Sidee buu iskaashiga BRICS u qaabeynayaa Mustaqbalka Afrika? (WARBIXIN)
    July 12, 2025
    Jacaylka Af Soomaaliga iyo Ardayda Shiinaha
    July 2, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐Ÿ๐Ÿ-๐š๐š๐ ๐ž๐ž ๐ˆ๐ฌ๐ค๐š๐š๐ฌ๐ก๐ข๐ ๐š ๐†๐š๐ง๐š๐œ๐ฌ๐ข๐ ๐š ๐’๐ก๐ข๐ข๐ง๐š๐ก๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐–๐š๐๐š๐ฆ๐š๐๐š ๐‚๐š๐ซ๐š๐›๐ญ๐š
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN)ย 
    April 19, 2025
    ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐Œ๐š๐ซ๐ž๐ฒ๐ค๐š๐ง๐ค๐š ๐จ๐จ ๐ค๐š๐ฅ๐š ๐ฌ๐š๐ฑ๐ข๐ข๐ฑ๐๐š๐ฒ ๐‡๐ž๐ฌ๐ก๐ข๐ข๐ฌ ๐‡๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐š๐ซ๐ข๐ง๐ž๐ž๐ ๐จ๐จ ๐ ๐š๐š๐ซ๐š๐ฒ๐š $๐Ÿ”๐Ÿ–.๐Ÿ“ ๐Œ๐ข๐ฅ๐ฒ๐š๐ง
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Raโ€™iisul wasaare Xamse oo furay kulan ciyaareedka xidigaha halyeeyada Soomaaliya iyo Afrika.
    May 27, 2025
    Wasiirka duulista hawada oo qaabilay wafdi ka socda Qaramada Midoobay
    May 27, 2025
    Muqdisho ooย berri martigelineysa ciyaaryahanno caalami ah
    May 26, 2025
    Muqdisho oo isu diyaarinaysa soo dhoweynta wafdi sare oo ka socda FIFA iyo CAF
    May 20, 2025
    Degmada Heliwaa oo 14 dhibcood kaga badisay degmada Laascaanood
    March 1, 2025
Reading: Japan oo yeelatay Ra’iisal-wasaare cusub
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
ยฉ2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Caalamka > Japan oo yeelatay Ra’iisal-wasaare cusub
CaalamkaWararka

Japan oo yeelatay Ra’iisal-wasaare cusub

By Aadan Sooyaal
Last updated: September 16, 2020
3 Min Read
Share

Tokyo (SONNA)…Aqalka hoose ee baarlamaanka dalka Japan ayaa maanta oo arbaco ah u doortay Yoshihide Suga in uu noqdo raโ€™iisul wasaaraha cusub ee dalkaas. Ninkan ayaa kamid ah wasiiradii la soo shaqeeyay siddeedii sano ee dalka uu xukumayay raโ€™iisul wasaaraha xilka ka degay ee Shinzo Abe.

Mr. Suga, oo 71 sano jir ah, ayaa Abe u ahaa gacantiisa midig, waxaana uu hormuud u ahaa fulinta barnaamijka xukuumadda oo ay kamid tahay istiraatiijiyada dhaqaalaha dalka.

Raโ€™iisul wasaarihii ugu muddada dheeraa Japan Shinzo Abe, ayaa isku casilay sababo la xiriira caafimaadkiisa. Mr. Suga waxaa uu ahaa xoghayaha golaha wasiirrada Japan.

Mr. Suga wuxuu heley 314(Saddex boqol afar iyo toban) cod tirada guud ee aqalka hoose baarlamaanka dalkaas oo ka kooban 462 (Afar boqol labo iyo lixdan) mudane. Goโ€™aanka kama dambeysta ah ee doorashada raโ€™iisul wasaaraha ayaa waxaa iska leh aqalka sare ee dalkaas, waxaana la filayaa in Mr. Suga ay u xulan doonaan hoggaanka dalka, maadaama awood ay ku leeyihiin xisbiga talada haya ee LDP.

Suga, ayaa ku guuleystay hoggaanka xisbul xaakimka dalka Japan ee Liberal Democratic Party oo (LDP) loo soo gaabiyo doorashadii isniintii qabsoontay, waxaase uu wajahayaa caqabado ay kamid yihiin dhibaatada safmarka COVID-19 iyo dib u soo nooleynta dhaqaalaha dalka.

Inkastoo uu leeyahay xeelad diplomaasiyadeed oo kooban, haddana Suga waxaa maareyn doonaa xiriirka sii xumaanayo ee u dhexeeya Mareykanka iyo Shiinah, waxaana uu xiriir wanaagsan la yeena doonaa madaxweynaha ku guuleysta doorashada Mareykanka ka dhici doonta 3 bisha November isagoo sidoo kale sii wadi doona xiriirka Japan la leedahayย  Beijing.

Warbaahinta gudaha dalka Japan ayaa sheegaysa in xubnaha xukuumadda cusub ku dhowaad kala bar ah noqon doonaan kuwii ku jiray xukuumaddii raโ€™iisul wasaare Abe. Labo haween ah ayaa ku jiri doona xukuumadda waxayna isku cel celiska daโ€™dooda noqon doontaa 60 sano.

Wasiirrada ku soo laaban doona xukuumadda cusub waxaa kamid ah; wasiirka maaliyadda Taro Aso, wasiirka arrimaha dibadda Toshimitsu Mategi, wasiirka Olombikada Seiko Hashimoto iyo wasiirka degaanka Shinjiro Kaizumo oo ah ninka ugu daโ€™da yar xukuumadda oo 39 sano jir.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka

WararkaWargayskaWaxbarashada
March 3, 2025

Guddoomiye Aadan madoobe oo qaabbilay wafdi ka socda Sweden

Muqdisho-(SONNA)-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa…

July 23, 2025

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA)ย Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Raโ€™iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Raโ€iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Israa’iil oo weerar ku dishay siddeed ruux oo ku sugnaa Daanta Galbeed

Milatariga Israel ayaa duqeymo dhanka cirka ah ku qaaday xerada qaxootiga ee Jenin oo ku taal waqooyiga daanta galbeed ee…

Caalamka
July 3, 2023

Guddoomiyaha SoDMA oo kula la qaatay wafdi ka socday Hay’adda UNOCHA

Muqdisho(SONNA):-Guddoomiyaha Hayโ€™adda SoDMA Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa maanta Xarunta hayโ€™adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka ku qaabilay Wafdi Sare oo ka…

GudahaWararka
May 27, 2024

Wasaaradda Caafimaadka oo qalab kala wareegtay Urur gobaleedka IGAD

Muqdisho (SONNA):- Wasiiru dowlaha Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Maryama Maxamed Xuseen ayaa agab Computer-ro ah…

CaalamkaWararka
February 15, 2024

๐—ฅ๐—ฎ’๐—ถ๐—ถ๐˜€๐˜‚๐—น ๐—ช๐—ฎ๐˜€๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ๐—ฒ ๐—ซ๐—ฎ๐—บ๐˜€๐—ฎ ๐—ผ๐—ผ ๐—ฑ๐—ต๐—ฎ๐—ด๐—ฎ๐˜…-๐—ฑ๐—ต๐—ถ๐—ด๐—ฎ๐˜† ๐—ฑ๐—ต๐—ถ๐˜€๐—บ๐—ฎ๐—ต๐—ฎ ๐—ฐ๐˜‚๐˜€๐˜‚๐—ฏ ๐—ด๐—ฎ๐—ฟ๐˜€๐—ผ๐—ผ๐—ฟ๐—ธ๐—ฎ ๐—ฑ๐—ฎ๐—น๐—ธ๐—ฎ

Muqdisho, Sabti, 18 Janaayo 2025: โ€“ Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa dhagax-dhigay dhismaha cusub…

GudahaWararka
January 18, 2025

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US:ย 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

ยฉ2023