Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Jadwalka Guud ee Doorahaada Guddoonka iyo Hoggaamiyaha KGS oo la shaaciyay
    June 1, 2026
    Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo Daahfurtay Ereybixinta Amniga Saaybarka ee Af-Soomaaliga
    June 1, 2026
    Wasaaradda Tamarta oo qabatay Shirweynaha Ansixinta Qaranka ee Mashruuca Amniga Biyaha
    June 1, 2026
    Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo Magaalada Seoul kula Kulmay Dhiggiisa Dalka Masar
    June 1, 2026
    Wasiirka Arrimaha Dibadda oo ka Qayb galay Furitaanka Shirka Wasiirrada Kuuriya iyo Afrika ee magaaladda Seoul
    June 1, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Shir looga hadlayay xoojinta amniga oo ka qabsoomay Baydhabo
    May 30, 2026
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Kala guurka Togan: Waa Faallo uu qoray Wasiir Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala
    May 31, 2026
    Doorashooyinka Isku Sidkan oo ka qabsoomay Koonfur Galbeed (WARBIXIN)
    May 11, 2026
    “Koonfur Galbeed, Albaabka Iftiinka Dimuqraadiyadda“ Wasiir Al-Cadaala
    April 29, 2026
    12-ka April Xuska Maalinta Qaran ee Ciidanka Xoogga Dalka
    April 12, 2026
    Markabka qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo Muqdisho laga sagootiyay
    April 11, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya oo ka qayb galaya Shirweynaha 76-aad ee FIFA Congress
    April 30, 2026
    Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda cagta oo dalka Mozambique u amba-baxay
    March 21, 2026
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
Reading: Japan oo yeelatay Ra’iisal-wasaare cusub
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Caalamka > Japan oo yeelatay Ra’iisal-wasaare cusub
CaalamkaWararka

Japan oo yeelatay Ra’iisal-wasaare cusub

By Aadan Sooyaal
Last updated: September 16, 2020
3 Min Read
Share

Tokyo (SONNA)…Aqalka hoose ee baarlamaanka dalka Japan ayaa maanta oo arbaco ah u doortay Yoshihide Suga in uu noqdo ra’iisul wasaaraha cusub ee dalkaas. Ninkan ayaa kamid ah wasiiradii la soo shaqeeyay siddeedii sano ee dalka uu xukumayay ra’iisul wasaaraha xilka ka degay ee Shinzo Abe.

Mr. Suga, oo 71 sano jir ah, ayaa Abe u ahaa gacantiisa midig, waxaana uu hormuud u ahaa fulinta barnaamijka xukuumadda oo ay kamid tahay istiraatiijiyada dhaqaalaha dalka.

Ra’iisul wasaarihii ugu muddada dheeraa Japan Shinzo Abe, ayaa isku casilay sababo la xiriira caafimaadkiisa. Mr. Suga waxaa uu ahaa xoghayaha golaha wasiirrada Japan.

Mr. Suga wuxuu heley 314(Saddex boqol afar iyo toban) cod tirada guud ee aqalka hoose baarlamaanka dalkaas oo ka kooban 462 (Afar boqol labo iyo lixdan) mudane. Go’aanka kama dambeysta ah ee doorashada ra’iisul wasaaraha ayaa waxaa iska leh aqalka sare ee dalkaas, waxaana la filayaa in Mr. Suga ay u xulan doonaan hoggaanka dalka, maadaama awood ay ku leeyihiin xisbiga talada haya ee LDP.

Suga, ayaa ku guuleystay hoggaanka xisbul xaakimka dalka Japan ee Liberal Democratic Party oo (LDP) loo soo gaabiyo doorashadii isniintii qabsoontay, waxaase uu wajahayaa caqabado ay kamid yihiin dhibaatada safmarka COVID-19 iyo dib u soo nooleynta dhaqaalaha dalka.

Inkastoo uu leeyahay xeelad diplomaasiyadeed oo kooban, haddana Suga waxaa maareyn doonaa xiriirka sii xumaanayo ee u dhexeeya Mareykanka iyo Shiinah, waxaana uu xiriir wanaagsan la yeena doonaa madaxweynaha ku guuleysta doorashada Mareykanka ka dhici doonta 3 bisha November isagoo sidoo kale sii wadi doona xiriirka Japan la leedahay  Beijing.

Warbaahinta gudaha dalka Japan ayaa sheegaysa in xubnaha xukuumadda cusub ku dhowaad kala bar ah noqon doonaan kuwii ku jiray xukuumaddii ra’iisul wasaare Abe. Labo haween ah ayaa ku jiri doona xukuumadda waxayna isku cel celiska da’dooda noqon doontaa 60 sano.

Wasiirrada ku soo laaban doona xukuumadda cusub waxaa kamid ah; wasiirka maaliyadda Taro Aso, wasiirka arrimaha dibadda Toshimitsu Mategi, wasiirka Olombikada Seiko Hashimoto iyo wasiirka degaanka Shinjiro Kaizumo oo ah ninka ugu da’da yar xukuumadda oo 39 sano jir.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Jadwalka Guud ee Doorahaada Guddoonka iyo Hoggaamiyaha KGS oo la shaaciyay

Muqdisho,(SONNA):- Guddiga Madaxa bannaan ee Doorashooyinka Qaranka ayaa jadwalka doorashada Guddoonka iyo hoggaanka Dowlad Gobolleedka…

June 1, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Soomaaliya iyo Sacuudiga oo gaaray heshiis iskaashi amni

Jiddah-(SONNA)-Shirka Golaha Wasiirrada Boqortooyada Sucuudi Carabiya ayaa shalay lagu ansixiyay heshiis iskaashi amni oo ka dhaxeeya labada Sirdoon ee dowladaha…

GudahaWararka
May 21, 2025

Taliyaha mucaaradka Liibiya oo isaga baxay wadahadaladii Raashiya

Taliyaha ciidamada mucaaradka dalka Liibiya Khalifa Haftar ayaa ka tagay magaalada Moosko isagoo aan saxiixin heshiis isku day ah oo…

Wararka
January 14, 2020

Wasiirka ganacsiga oo ka hadlay muhiimadda sharciga Jaan-goynta iyo tayo-dhowrka Soomaaliya+Sawirro

Muqdisho-(SONNA)-Wasiirka Wasaaradda ganacsiga iyo Warshadaha JFS Inj, Cabdullaahi Cali Xasan, ayaa faah-faahin ka bixiyay sharciga Jaan-goynta iyo tayo-dhowrka Soomaaliya, isagoo…

Wararka
January 30, 2020

Soomaaliya iyo Qatar oo kala saxiixday heshiis is-afgarad oo ku saabsan Iskaashiga arrimaha sharciga

Muqdisho(SONNNA);-Wasiirka Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka XFS, Mudane Xasan Macallim Maxamuud oo booqasho rasmi ah ku jooga Dooxa iyo Wasiirka Cadaaladda…

GudahaWararka
February 26, 2024

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023