Jowhar (SONNA)-Waxaa kordhay qasaaraha hantiyeed iyo saamaynta nololeed ee ka dhalatay wabiga Shabeelle oo ku fatahay ilaa 92-tuulo oo hoos yimaada degmooyinka Balcad iyo Jowhar ee gobolka Shabeelaha dhexe, sida uu sheegay maamyulka gobolka.
Maxamed Cabdi Sheekh Xaandow Gudoomiye ku xigeenka dhinaca siyaasadda ahna ku simaha gudoomiyaha gobolka Shabeelaha dhexe ayaa SONNA u sheegay in ay fatahaadda wabiga ku barakaceen in ka badan 244-kun oo Qoys, kuwaas oo isugu jiray Beeraley, Xoolo dhaqato iyo dad tuulooyinka daganaa, kuwaas oo hadda u baahan kaalmo.
Dhul beereed badan oo ay ka baxayeen dalagyada Sisinta, Galleey, Bariis, Digir iyo khudaarta nuucyadeeda kala duwan ayaa sidoo kale ku baaba’ay fatahaadda wabiga, waxaana beeraleyda oo faa’iido ka filayey tacabkooda ay hadda ku qasbanaadeen inay cid kale ku tiirsanaadaan.
Dadka ku barakacay fatahaadda ayaa qaarkood soo gaaray magaalada Muqdisho, si ay maareeyaan nolol maalmeedkooda, waxaana wali jira cabsi laga qabo inay fatahaaddu gaarto deegaano kale, xilli wadooyinka qaar ay biyo lixaad leh ay xireen, sida maamulka gobolku sheegay.
Fatahadda wabiga Shabeelle oo ku soo laalaabatay gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha dhexe ayaa khasaaro maaliyadeed gaarsiisay bulshada gobolladaas oo markii horeba u nuglaa masiibooyinka dabiiciga ah, waxaana ay fatahaaddu caqabad ku noqotay wax soo saarkii beeraha iyo hankii ay dadku ka lahaayeen inay koboc dhaqaale sameeyaan.