TOKIYO-(SONNA}- Yoshihide Suga ayaa loo doortaqy in uu noqdo hogaamiyaha xisbiga haya talada Japan ee Liberal Democratic (LDP), doorashadaan oo dhabaha u xaaraysa in uu noqdo raโiisal-wasaaraha xiga ee dalka Japan.
Sida lafilayay wuxuu si fudud ugu guulaystay, codbixin xisbiga gudihiisa ah, taasi oo qofka ku guulaysta uu noqon doono raโiisalwasaaraha badali doona Shinzo Abe, oo bishii la soo dhaafay ee August cadeeyay in uu xilka ka dagayo sababo caafimaad dartood.
Yoshihide Suga waxaa uu ku guulaystay cod dhan 377 oo ka mid ah tirade guud ee ah 534, waxaana la baratamayay wasiirkii hore ee gaashaandhiga Shigeru Ishiba iyo wasiirkii hore ee arimaha dibadda Fumio Kishida.
Marka loo eego codka aqlabiyadda uu helay Suga, ayaa waxaa la filayaa in Arbaca soo socota in uu ku guulaysto cod bixinta uu Baarlamaanku ku xulanayo cidda noqonaysa raโiisalwasaaraha dalkaasi.
Yoshihide Suga waa 71 jir ahaa la taliye dowladeed oo awood badan iyo afhayeen,waxaana loo arkaa in uu yahay qun yar socod sii ambaqaadi doona Siyaasadda ninkii ka horeeyay ee Shinzo Abe