Muqdisho (SONNA)- Xafiiska Xeer-ilaaliyaha guud ee Qaranka ayaa dib u casriyeen ku sameeyay xaashida dhaqtarka ee dhaawac Muujinta, taaso xoojinaysa danbi-oogista, danbi barista iyo cilmiga forensikada ee dhibanayaasha loo gaystay xad-gudubyada ku saabsan Jinsiga.
Xeer-ilaaliyaha guud ee Qaranka Dr Sulaymaan Maxamed Maxamuud oo daahfuray hirgalinta waraaqda qiimaynta caafimaadka oo ay ka qayb-qaleen xubno ka socday Xeer-ilaalinta dalka iyo dawlad Gobaleedyada ayaa sheegay in waraaqdan loo diyaariyey qaab casri ah oo la jaan-qaadaya heerarka caalamiga ah.
โWaraaqda Dhaawac muujinta ee aan maanta daah fureyno waxa weeye, qeyb ka mid ah hanaanka loogu talagalay in cadaaladda lagu gaaro, markaan ka hadleyno hannaankaas cadaaladda lagu gaarayo ee la xiriirsan xaashida caafimaadku, warqadda xaashida caafimaadka warqad ku cusub ma ahan isticmaalkeeda dalka Soomaaliya, laakiin waxaa la dhigay mid casri ahโ. Ayuu yiri Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka.