Muqdisho (SONNA)- Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Dowladda Fedaraalka Soomaaliya ayaa maanta u qabatay saxaafadda madaxa bannaan iyo ururada matala saxaafadda dalka qaarkood kulan ayaa waxa uu ujeedkiisu ahaa, inay dhagaystaan cabashooyinka qaar ka mid ah saxafiyiintu ay ka muujiyeen xeerka saxaafada Soomaaliya iyo dhaqan galinta xeerka oo uu dhawaan madaxwaynaha JFS Saxiixay.
sharciga saxaafadda Soomaaliya oo uu dhawaan saxiixay Madaxweynaha DFS Mudane Maxamed Cabdullaahi “Farmaajo” kagadaal markii ay kasoo gudubtay labada aqal ee Golayaasha Shacabka iyo waliba Golaha Wasiirada DFS.
Kulankan waxaa ka soo qeyb galay Masuuliyiinta ugu sarreysa Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska DFS oo uu ugu horreeyo Wasiirka Warfaafinta Mudane Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) & Agaasimaha Guud ee wasaaradda Warfaafinta Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Cumar (Alcadaala),
“ Maanta Soomaliya waxa ay leedahay sharci saxaafadeed oo dhaqangal ah kadib markii uu soo maray dhamaan geeddisocodka sharciyeed ee qasbayey in la soo mariyo, sida golaha wasiirrda, Golaha Shacabka iyo aqalka sare, iyada oo uu ugu dambeyntii sharcigan uu saxiixay Madaxweynaha dawladda Fedaraalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi “Farmaajo”. Maanta kadib waxan ku qasbannahay ixtiraamka iyo meelmarinta sharcigan maxaa yeelay waxa uu ka midyahay shuruucda wadanka u yaalla.” ayuu wasiir Maareeye.
“Waan garan karnaa in saxaafadda qaarkeed iyo ururada matala ay cabasho ka qabaan qodobo kooban ee sharcigan ka mid ah, hayeeshee, waxaad niyadda ku degsataan in sharcigan aynu mar walba hay’adaheena sharciga ee mustaqbal aad waydiisan kartaan marka loo baahdo ee la gaaro, sidaa oo ay tahay aad ayuu uga wanaagsan yahay shuruucda saxaafadeed ee dalal badan oo qaarkood nala deris ah iyo qaar naga fog intaba .” ayuu sii raaciyey wasiir Maareeye.
Qaar ka mid masuuliyiinta iyo saxafiyiintii kulanka ka soo qeyb galay ayaa soo dhaweeyey kulanka wasaaradana uga mahad celiyay, waxayna xuseen inay jiraan qodobo badan oo wanaagsan oo xeerka ku jira, walina ay jiraan qodobo ay cabasho ka qabaan iyo kuwa fasiraad dheeri ah ubaahan, ayna fahan sanyihiin inuu xeerku yahay xeer sharci ah oo dhaqan gal ah.
Sii hayaha wasiirka warfaafinta ayaa bahda saxaafadda u xaqiijiyay sida wasaarada iyo dowladdu ugu taagan yihiin inay difaacaan xuquuqda saxaafada, isla markaana wixii dhib ku ah ay ka ilaaliso taasina ay waajib ku tahay.
Kadib wasiirku wuxuu saxaafada ubandhigay inay wasaarada ka go’an tahay inay tixgaliso cabashooyinka ay qabaan, isla markaana raadiso xalka ugu fiican ee lagu xalin karo cabashooyin kooda. Sidaas daraadeedna wuxuu wasiirku usheegay inay iska soo saaraan guddi kooban oo kala shaqeeya wasaarada sidii looga wada hadli lahaa qodobada ay cabashada ka qabaan iyo xal u helistooda.
Kulanka ayaa kusoo dhamaaday jawi dagan oo is afgarad ah, wasaarada ayaa qorshaynaysa inay maalmaha soo socda la kulanto bulshada rayidka ah, si ay iyagana udhagaysato dareen kooda maadaama ay qayb ka yihiin dhinacyada la rabo inay dhaqan galiyaan xeerka.