Muqdisho (SONNA) Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya howlgalkii qorsheysnaa ee Ciidanka Kumaandooska Soomaaliyeed ee Danab ay ka fuliyeen nawaaxiga degmada Kuntuwaarey ee gobolka Shabeellada Hoose,kaasi oo ay ku khaarijiyeen horjoogihii Alshabaab ee u qaabilsanaa dhanka qaraxyada ee gobolkaasi.
Xogo ay Wakaaladda (SONNA) ka heshey Taliska ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa xaqiijinaya in la dilay horjoogihii Al-shabaab oo ahaa bartilmaameedka howlgalkaasi laguna guuleystay,iyadoo sdioo kale lala dilay maleeshiyaadkii uu watay.
Horjoogaha la dilay ayaa magaciisa lagu soo koobay Liibaan, halka magaca Afgarashada Alshabaabna uu ahaa Yacquub,wuxuuna ahaa madixii qaraxyada Alshabaab u qaabilsanaa Shabeellada Hoose.
Howlgalka oo ahaa duqeyn dhanka cirka ah ayaa lagu beegsaday goob la sheegay in ay isku uruursanayeen maleeshiyaad ka tirsan Al-shabaab,kuwaasi oo qorsheynayay in ay weeraro ku soo qaadaan fariisimaha ciidamada Xoogga dalka ay ku leeyihiin gobolka Shabeelladda Hoose.
Dhawaan ayaa howlgal qorsheysnaa oo ciidanka xoogga dalka gaar ahaan Kumaandooska Danab ay ka fuliyeen degmada Kuntuwaarey waxaa ay ku khaarijiyeen horjoogayaal iyo maleeshiyaad Alshabaab ka tirsan,sidoo kale waxaa ay siidaayeen dad shacab ah oo alshabaab maxaabiis ahaan ay u hayeen.