Muqdisho(SONNA) Innaa Lilaahi Wa Innaa Ileyhi Raajicuun Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyigelinta Bulshada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Ilyaas Saciid Cali (Qalinle) ayaa ka tacsiyeeyay geerida Agaasimihii Waaxda Xiriirka Gobolada Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdirisaaq Cabdullaahi Cabdi iyo Dadkii ku dhintay qaraxii galabta.
Wasiirka Warfaafinta iyo Wacyigelinta, Ilyaas Qalinle, ayaa tacsi u diray Mas’uuliyiinta, Shaqaalaha Wasaarada Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS iyo Ehelada, Agaasime Cabdirisaaq Cabdullaahi Cabdi oo argagixisadu qarax ku dileen.
Wasiir Ilyaas, ayaa naxariista Janno Alle ugu baryay Agaasime, Cabdirisaaq Cabdullaahi Cabdi iyo dadkii kale ee ku naf waayay weerarkii argagixisadu ka geysteen Magaalada Muqdisho.