Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo la kulmay Wasiirka Qorsheynta Boqortooyada Eswatini
    June 1, 2026
    Guddoomiyaha Hay’adda SoDMa oo la kulmay wafdi ka socda Dowladda Sweden
    June 1, 2026
    Jadwalka Guud ee Doorahaada Guddoonka iyo Hoggaamiyaha KGS oo la shaaciyay
    June 1, 2026
    Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo Daahfurtay Ereybixinta Amniga Saaybarka ee Af-Soomaaliga
    June 1, 2026
    Wasaaradda Tamarta oo qabatay Shirweynaha Ansixinta Qaranka ee Mashruuca Amniga Biyaha
    June 1, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Shir looga hadlayay xoojinta amniga oo ka qabsoomay Baydhabo
    May 30, 2026
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Kala guurka Togan: Waa Faallo uu qoray Wasiir Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala
    May 31, 2026
    Doorashooyinka Isku Sidkan oo ka qabsoomay Koonfur Galbeed (WARBIXIN)
    May 11, 2026
    “Koonfur Galbeed, Albaabka Iftiinka Dimuqraadiyadda“ Wasiir Al-Cadaala
    April 29, 2026
    12-ka April Xuska Maalinta Qaran ee Ciidanka Xoogga Dalka
    April 12, 2026
    Markabka qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo Muqdisho laga sagootiyay
    April 11, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya oo ka qayb galaya Shirweynaha 76-aad ee FIFA Congress
    April 30, 2026
    Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda cagta oo dalka Mozambique u amba-baxay
    March 21, 2026
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
Reading: Dawladda Soomaaliya oo ka digtay cabsi laga qabo fatahaado iyo dabeylo ku soo wajahan qeybo ka mid ah dalka.
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Dawladda Soomaaliya oo ka digtay cabsi laga qabo fatahaado iyo dabeylo ku soo wajahan qeybo ka mid ah dalka.
Wararka

Dawladda Soomaaliya oo ka digtay cabsi laga qabo fatahaado iyo dabeylo ku soo wajahan qeybo ka mid ah dalka.

By Aadan Sooyaal
Last updated: August 5, 2020
3 Min Read
Share

Muqdisho (SONNA)– Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa war-saxaafadeed ay soo saartay ugu digtay bulshada Soomaaliyeed ee ku nool hareeraha labada webi ee  jubba iyo shabeelle cabsida laga qabo, Roobab, Hirar, fatahaado iyo dabeylo la filayo in ay ku soo wajahan yihiin qeybo ka mid ah dalka, iyaddoo sidoo kale Wasaaradda  u sheegeysa bulshada tallaabooyinka ay tahay in ay qaadaan, si looga feejignaado halisyada laga cabsi qabo.

Halkaan hoose ka Akhriso War-saxaafadeedka Wasaaradda Gargaarka.

MUQDISHO, Soomaaliya, 05ta Ogosto 2020 – Roobab, Hirar iyo Dabeylo ayaa la filayaa in ay ku soo wajahanyihiin qeybo ka mid ah dalka.

Roobab xooggan ayey saadaasha toddobada casho ee soo socoto tilmaamaysaa in ay ka da’idoonaan qeybo ka mid ah Goballada Koofureed iyo kuwa Woqooyi ee dalka.

Sidoo kaleRoobab ka da’aya buuralayda Itoobiya ayaa laga cabsi qabaa in ay sabab u noqdaan sare u kaca heerka Webiga Shabeelle iyo Jubba taasi oo ay ka dhalan karto fatahaado ka dhaca Magaalooyinka ku hareereysan Webiga sida Jowhar iyo Baladweyne.

Heer cabbirka Webiga Shabeelle ee uu hadda marayo ayaa saameeyay isu socodka gaadiidka iyo dhaqdhaqaaqa ganacsiga ee Magaalada Jowhar ee Gobalka Shabeellada dhex.

Degmada Afgooye oo ay dhawaan saameeyeen roobabkii xagaaga ee aan horey uga dignay ayaa waxaa laga cabsi qabaa in ay mar labaad saameyn ku yeeshaan roobabka la filayo in ay da’aan toddobada cisho ee soo socta, iyadoo wabigu horey u buuxay.

Mowjadaha iyo Hirarka Badda: 7-12 Bisha Ogosto waxaa la saadaalinayaa in Mowjadaha Badda ay sara u kacayaan taas oo sababi karta in ay wax yeelo naf iyo maalba leh u gaysato dadka ku shaqeysta doonyaha yaryar iyo dadka dalxiiska u aada xeebaha, sidoo kale waxay waxyeelo u geysan kartaa dadka ku nool nawaaxiga badda.

Dabeylaha Xagaaga xaalada dabeysha ayaa markasta is badbadaleysa sidaas darteed waxaa laga cabsi qabaa in maalmaha soo socda ay sara u kac ku yimaado Xawaare-socodka dabeysha.

Xarunta Qaran ee Ka digista Halis-wadareedka (NMHEWC) waxay si gaar ah uga digeeysaa dhammaan bulshooyinka kala duwan sida; dadka ku nool hareeraha Wabiyada Shabeelle iyo Jubba, kaluumeeysatada iyo dadka ku dhaqan degaannada dhaca Xeebaha in ay ka digtoonaadaan khataraha ku soo wajahan.

Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka (WG&MM) waxey ugu baaqeysaa dhamaan maamulladda deegaanaddaas kor ku xusan iyo dhammaan hey’adaha gargaarka ee ka hawlgala deegaannadaas in ay u diyaar garoobaan xaaladdan soo cusboonaatay, ayna taageero u muujiyaan bulshada ku dhaqan xeebaha iyo deeganada barriga ah.

Xarunta waxey si dhaw ula socotaa is badalka xaaladaha , waxeyna idiin soo gudbineysaa waxa soo kordha iyo sida ay isubaddesho xaaladda.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo la kulmay Wasiirka Qorsheynta Boqortooyada Eswatini

Muqdisho,(SONNA):- Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdisalaam…

June 1, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Qaar kamid ah labada gole ee K/Galbeed oo beydhabo ku soo dhoweeyay Guddoomiyaha Hey’adda SODMA

Masuuliyiin ka kala tirsan labada gole ee Maamulka Dowlad Goboleedka K/Galbeed ayaa maanta garoonka diyaaradaha ee Magaalada Beydhabo ku soo…

Gudaha
April 26, 2024

𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐨𝐨 k𝐚 q𝐚𝐲𝐛g𝐚𝐥𝐚𝐲 s𝐡𝐢𝐫 l𝐚𝐠𝐚𝐠𝐚 h𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲𝐚𝐲 d𝐚𝐛𝐚𝐫-𝐠𝐨𝐲𝐧𝐭𝐚 c𝐮𝐝𝐮𝐫𝐤𝐚 d𝐚𝐛𝐚𝐲𝐬𝐡𝐚

Geneva-(SONNA)-Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada XFS Dr. Cali Xaaji Aadam, ayaa ka qayb galay shir heer sare ah oo…

GudahaWararka
May 22, 2025

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KA TACSIYEEYEY GEERIDA AXMED NAAJI SACAD

Maxaas-(SONNA)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tacsi u diray qoyska, qaraabada, bahda fanka iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed…

GudahaWararka
September 5, 2023

R/wasaare Rooble oo manta lagu wado in uu Garowe  kula kulmo Madaxda Puntland

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, mudane, Maxamed Xuseen Rooble, iyo wefdi uu hogaaminayo ,ayaa manta la filayaa in magaalada Garowe ay…

Wararka
December 12, 2020

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023