Muqdisho (SONNA)- Sii hayaha wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in dowladda soomaaliya ay xoogga saari doonto yareynta qataraha musiibooyinka ku yeeshaan dalka.
Wasiirka oo ka qeyb galay shir gaar ah oo uu guddoomiyay sii hayaha raโiisal wasaaraha dalka
ayaa hoosta ka xarriiqay in iyadoo laga jawaabayo baahiyaha jira hadana ay qasab tahay in
xoogga la saaro in la sameeyo hab-dhismeedyada muhiimka ah ee ka qeyb qaata maareynta iyo
ka hortagga musiibooyinka.
Wasiirka ayaa waxa uu sheegay in kulanka ka dhacay xafiiska sii hayaha uu ku soo aaday waqti
muhiim ah marka la eego cabsiyada fatahaado ee ka jira meelo badan oo ka mid ah Soomaaliya.
Mudane Xamsa Saciid Xamsa ayaa tilmaamay in wadashaqeyn dhaxmarta dhammaan heyโadaha
Dowladda ay wax weyn ka tarayso wax ka qabashada xaaladaha uu dadka masuulka ka yahay
iyo kuwa dabiiciga ahba.
โMusiibooyinka ayaa ka mid ah waxyaabaha sii xoojiya faqriga iyo caqabadaha ku hor-gudban
horumar taabba gala oo ay bulshooyinka ay sameeyaan, qiyaasaha oo dhan waxey tusinayaan in
qasaaraha naf iyo hanti oo ay musiibooyinka geystaan ay aad u badanyihiin.โ Ayuu yiri Sii hayaha Wasiirka Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka DFS.
Wasiirka ayaa hadalkiisa ku daray in saameynta bulsho oo ay musiibooyinka geystaan gaar
ahaanna ay ku yeeshaan dadka taagta daran ay sii murjineyso xaaladda nololeed ee dadkaas iyo
siddi ay uga kori lahaayeen faqriga, isaggoo ย tilmaamay in loo baahanyahay
shacab iyo dowladba loo howlgalo siddii loo diyaarin lahaa loona qaadi lahaa tallaabooyinka
muhiimka ah ee looga hortagi karo halisyada ka hor inta aanay dhibaato gaarsiin dadka meel ay
adagtahay in laga soo noqdo.
Sii hayaha Wasiirka Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka DFS ayaa waxa uu sheegay in ka wasaarad ahaan ay diyaariyeen qorshayaasha iyo siyaasado muhiim ah oo ay ka mid tahay siyaasadda qaran ee maareynta musiibooyinka oo muhiim ah maareynta iyo kahortagga halisyada dhaca, waxaana uuย tilmaamay in Wasaaraddu sameysay kaabayaasha muhiimka ah ee loo
adeegsado sii ogaashaha halisyada si looga jawaabo ka hor inta aanay musiibo isu badalin.
Ugu dambeyn Wasiirka ayaa carrabka ku xoojiyay in ka wasaarad ahaan xoojinayaan isu-
duwista iyo qaban qaabinta dadaallada kala geddisan oo ay wadaan dhinacyo badan sida
dowladda, heyโadaha UN-ta, ganacsatada iyo ururada aan dowliga ahayn ee ka shaqeeya
gargaarka.