R/wasaarihii hore ee Maleysiya Najib Razak ayaa lagu helay dambiyo illaa toddoba ah oo la xiriira xatooyada malaayiin doollar ee laga xaday sanduuqa dowliga ee 1MDB .
Ninkaasi ayaa lagu eedeeyay in uu lunsaday 42-milyan oo u dhiganta 9.8 milyan doolar,waana hoggaamiyihii ugu horreeyay ee Malaysia oo lagu helo dambi ah in uu dhacay lacago.
R/wasaarihii hore ayaa wajahaya in ka badan toban sano oo xabsi ah, iyo sidoo kale ganaaxyo badan oo la xiriiira xukunkiisii.
Go’aankan ayaa yimid lix maalin ka dib markii maxkamadda sare ay ku amartay Najib inuu bixiyo lacago dhan 1.69 iyo ganaaxyo aan la bixin, sannadihii u dhexeeyey 20111-kii illaa 2017-kii.
Kahor xukunka maanta,boqolaal ka mid ah taageerayaasha Najib ayaa isugu soo baxay bannaanka maxkamadda si ay u muujiyaan taageerada ay u hayaan siyaasigaasi oo mar ahaa ama mar loo tixgelin jiray inuu yahay ninka ugu awoodda badan waddanka.