โAnnigoo ku hadlaya magaceyga iyo magaca waalidiinta Soomaaliyeed,waxaan dhammaan ubaxa Soomaaliyeed ee imtixaanka Qaranka u fadhiisaneysa u rajeynaa guul iyo natiijo ay ku farxaanโayuu yiri wasiir Goodax.
Wasiirka waxbarashada XFS ayaa ardayda ku tilmaamay rajada dalka iyo dadka Soomaaliyeed wuxuuna rajo wanaagsan ka muujiyay in ardaydu ay ku dadaalaan tacliinta si dalku uu u noqdo mid horumar weyn gaara.
Magaalada Muqdisho iyo gobollada dalka ayaa maanta looga fadhiisanayaa imtixaanka shahaadiga dugsiga sare oo ay sannadkii lixaad ay qaadeyso dowladda Soomaaliya.