Mubaarak(SONNA)–Ciidanka Kumaandooska Xoogga dalka Soomaaliyeed oo beryaaanba waday howlgalo lagu baadigoobayo deegaanada ay ku dhuumaaleeysanayaan Maleeshiyaadka Argagixisada Al-shabaab ayaa howlgalkii baaritaanka ee ay shalay ka sameeyeen deegaanada Mubaarak iyo Daarul-salaam ay ku soo qabteen horjoogayaal iyo maleeshiyaad ka tirsan argagixisada Al-shabaab.
Howlgalka oo ay fulinayeen ciidanka kumaandooska Xoogga dalka ee Danab iyo Gor-Gor ayaa waxay gacanta ku soo dhigeen horjoogihii dhinaca Sirdoonka gobolka Shabeelada Hoose Macalin Bilaal Jeeylaani Nuure iyo Cabdulaahi Maxamed Cabdi oo ka mid ahaa horjoogayaasha sar –sare ee Maxkamada gobolka Shabeelada hoose sida uu Idaacadda Ciidamadda Qalabka Sida usheegay Taliyaha Guutada 16-aad kumaandooska Xoogga Dalka G/le Ismaaciil Cabdimaalik Maalin
Taliyaha ayaa sidoo kale sheegay in la soo qabtay Maleeshiyaad gaarayo 5 Ruux, kuwaasi oo ay ciidanka howlgalka ku soo qabteen.
Ciidanka Xoogga dalka gaar ahaan kumaandooska ayaa kordhiyay baacsiga Maleeshiyaadka Argagixisada Al-shabaab.