Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Soomaaliya iyo Suudaan oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga diblomaasiyadeed iyo amniga gobolka
    April 1, 2026
    Guddiga doorashooyinka oo Galmudug ka bixinaya kaararka cod-bixiyaasha
    April 1, 2026
    Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo daah-furay madasha isku-duwidda qaybta Beeraha
    April 1, 2026
    Ra’iisul Wasaare Xamsa oo magacaabis isweeydaarin ah ku sameeyay wasaaradaha xukuumadda Dan Qaran
    April 1, 2026
    Guddoomiye Aadan Madoobe oo shir guddoomiyey kulan ka dhacay Baydhabo
    April 1, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
    February 16, 2026
    Waa Mas’uuliyad Qaran In La Badbaadiyo 4.6 Milyan oo Soomaali Ah (warbixin)
    February 6, 2026
    Kumoow ahaa Horjooge Cabdullaahi Wadaad?
    January 31, 2026
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda cagta oo dalka Mozambique u amba-baxay
    March 21, 2026
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
Reading: Dowladda Soomaaliya oo xaqiijisay guulaha mid kamid ah halbeegyada caalamiga ah
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Dowladda Soomaaliya oo xaqiijisay guulaha mid kamid ah halbeegyada caalamiga ah
WararkaWargayska

Dowladda Soomaaliya oo xaqiijisay guulaha mid kamid ah halbeegyada caalamiga ah

By Aadan Sooyaal
Last updated: July 7, 2020
5 Min Read
Share

Muqdisho(SONNA) Soomaaliya oo xaqiijisay mid ka mid ah halbeegyada caalamiga ah ee loogu tala galay Maareynta Musiibooyinka.
Dowladda Soomaaliya ayaa horumar ballaaran ka sameysay xaqiijinta himilooyinka ku dhIgan hannaan howleedka loo yaqaan SENDAI (Sendai Framework for Disaster Risk Reduction).

Si loo yareeyo khataraha musiibooyinka dalka ka dhaca, loona badbaadiyo naf iyo maalba, waxaa hannaan howlaadkiis dhigayaa in dalkasta uu yeesho xarun qaran oo bixisa digniinaha hore ee halista dalka ka dhaca.

iyadoo taas laga amba qaadeeyo, ayaa waxay Wasaaradda Gargaarka iyo Maareeynta Musiibooyinka ay dadaal dheeraad ah ku bixisay si ay uga mira dhaliso unkidda iyo la soo wareegidda habka isbadelka cimiladda iyo ka digtoonaanta khataraha musiibooyinka,
Dhawaan ayaa ra’isal wasaare ku xigeenka Soomaaliya si rasmi ah xariga uga jaray xarunta bixin doonta mid ka mid ah adeegyada ugu muhiimsan ee ah dhismaha itaalka bulshooyinka ku nool goballada iyo degmooyinka dalka.

Sidoo kale hiigsiga ku saabsan in la sameeyo xaruntan waxey ku jirtay qorshaha Tubta arimaha bulshada ee xukuumadda Soomaaliya halbeegiisa shanaad ‘5.2.’ taas oo looga gol lahaa in Wasaaraddu ay hirgaliso Xarun qaran oo bixisa digniinaha hore ee halis wadareedka.

Xaruntani waxay digniinaha hore ka bixineeysaa halista ku soo fool-leh dadka iyo dalkaba sidaa darteed waxay ka koobantahay illaa afar qeeybood oo mid kasta ay qabato shaqa gooni ah, waxayna kala yihiin:
1- Qeybta xog ururinta iyo daraaseeynta halis-wadareedka
2- Qeynta adeega la socodka xaal adda iyo bixinta digniinaha halis-wadareedka
3- Qeeybta baahinta digniinaha hore ee halis-wadareedka
4- Qeeybta dejinsa qorshaha ka jawaab celinta halis-wadareedka
Nidaamka ay xaruntani ku shaqeeyso iyo adeega ay bixineeysaba dadka ayaa xudun u ah, waxaa sidoo kale nidaamkan waajib ku ah in uu muwaadhinka shakhsiga ah iyo bulshadaba awood u siiyo si ay goor hore u ogaadaan khatarta halista ku soo fool-leh, una helaan wakhti ku filan oo ay go’aan a.

Mabaadii’da Hagta nidaamkan Nidaamkan waxaa haga oo bud-dhig u ah qorshaha horumarinta qaranka, siaasadda qaran ee Maareeynta Khataraha Musiibooyinka, sharciga qaran ee maareeynta musiibooyinka oo ay sumadiisu tahay (Lr. 17) iyo istaraatiijiyadda caalamiga ah ee (Sendai Framework) hadafkeeda (G) oo qeexaya lagama-maarmaannimada nidaamka bixiya digniinaha hore ee halis wadareedka.

Ku dhawaaqista Xaaladda degdega ah ee Masiibooyinka Sida ay qabto siyaasadda qaran ee maareeynta khataraha musiibooyinka, ku dhawaaqista xaaladaha degdega ah ee masiibooyinka dalka ka dhaca waxaa aasaas u ah in la hayo xog ku filan oo ga’aan lugu qaadan karo si loogu dhawaaqo xaalad degdeg ah.

Ku dhawaaqista xaaladaha degdega ah waxaa is ka leh Madaxweynaha Jamhuuriyadda sidaa darted ayuu nidaamkan ka digista halistu waxa uu u yahay udub dhexaadka iyo isha xogta la isticmaalayo marka lugu dhawaaqaayo xaaladda dedega ah.

Dhismaha nidaamka qaran Heykalka Dhismaha nidaamkan qaran wuxuu salka ku hayaa oo uu ku dhexdhisanyahay qaab dhismeedka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareeynta Musiibooyinka, waaxdeeda Maareeynta khataraha musiibooyinka.

Sidoo kale waxay wada shaqeeyn joogta ah la yeelaneeysaa saktarada ay hogaanka u hayaan wasaaradaha kale ee dhigeeda ah, sida; wasaaraddaha adeega bulshada ka shaqeeya badankood.

Xogta ay Xaruntu soo saarto
Xogta rasmiga ah ee nidaamka xaruntu soo saarto waxaa ka mid ah; xogaha joogtada ah iyo midda xilliyeedka ah oo isugu jira (a) saadaasha roobabka, (b) saadaasha heerkulka (c) la socodka halista abaaraha (d) la socodka halista fatahaadaha (e) la socodka halista duufaannada (f) la socodka waxyeellada Ayaxa Saxaraha, iyo (g) halista cudurada faafa iyo kuwa saf-mareenka ah.

Xaruntani waxay ku shaqeeyneeysaa qalab casri ah oo isugu jira aalado kombiyuutar oo awood badan iyo shaashado aad u waaweeyn oo lagala socdo xaaladaha hadba sideey isku badalayaan.
Xarunta waxaa loo carbiyay shaqaale aqoon xambaarsan, joogto ah oo u dabacsan, kana soo bixi kara waajibaadka loo igmaday.

Sidoo kale xaruntani xogaha ay soo saarto waxaa loo baahiyaa siyaabo kala duwan oo ay ka mid yihiin; Raadiyaha, Telefishinka, Mareegta internetka oo Website, Twitter iyo Facebook-ba leh, iyo qaab toos digniinaha loogu diro dowlad goboleedyada Federaalka ku mideeysan oo illaa heer dagme ayeey digniintaasi hadda gaari kartaa, waxaana rajeeyneeynaa in aan awood u helno sidii aan ku gaarsiin lahayn illaa iyo heer tuullo.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Soomaaliya iyo Suudaan oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga diblomaasiyadeed iyo amniga gobolka

Muqdisho (SONNA): Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah mudane Xamsa…

April 1, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Madaxweynaha Puntland oo Cafis u fidiyay Maxaabiis

Muqdisho(SONNA):- Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 13 kuna saabsan Cafis Guud oo…

GudahaWararka
April 19, 2021

Wasiirka Amniga guddaha XFS oo shirguddoomiyey shir amni oo ka dhacay magaalada Laascaanood

Muqdisho(SONNA):-Wasiirka Amniga Gudaha XFS Janaraal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) ayaa maanta guddoomiyay shir amni oo ka dhacay magaalada Laascaanood Shirka…

GudahaWararka
January 14, 2026

Dibadbax ka dhan ah isbeddelka  garsoorka iyo xasuuqa lagu hayo Falastiin oo ka dhacay Israel

Tobanaan kun oo mudaaharaadayaal ah ayaa isugu soo baxay magaalooyinka Israa’iil, kuwaas oo ka mudaaharaadaya qorshayaasha muranka dhaliyay ee xukuumadda…

Caalamka
June 11, 2023

Ra”iisul wasaaraha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Turkiye

Muqdisho(SONNA):-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Jamhuuriyadda Turkiga u fadhiya Soomaaliya…

GudahaWararka
April 6, 2024

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023